QALBIYO LAKALA QEYBIYAY

Jacaylkii Laga Hadhaye

Cabdiraxmaan iyo Fardowsa waxay ahaayeen laba gof oo si qoto dheer isku jeclaa. Waxay ku kulmeen jaamacad, halkaasoo ay ku wadaageen waqtiyo farxad leh, iyaga oo riyooyin iyo mustaqbal ay si wadajir ah u dhisaan. Jacaylkoodu wuxuu ahaa mid daacad ah, oo aan lagu shaki gelin karin.

Laakiin nolosha mar walba ma aha sida la filayo. Markii ay jaamacadda dhammeeyeen, qoyska Fardowsa waxay go’aansadeen inay u guuriyaan nin kale, maadaama uu ka soo jeedo c/rahmaan qoys maalqabeen ah. Fardowsa way diiday, waxayna la dagaashay go’aankaas, laakiin cadaadiska qoyska iyo dhaqanka ayaa noqday mid xooggan. Cabdiraxmaan isagu wuxuu isku dayay inuu Fardowsa la hadlo, si ay xal ugu helaan jacaylkooda, laakiin mar kasta oo ay is arkaan, indhaha Fardowsa waxaa ka muuqan jiray ilmo ay qarinayso.

Maalin ayaa la ogaaday in Fardowsa lagu khasbay guur, Cabdiraxmaana arinkaas aad ayuu oga xumaaday. Wuxuu dareemay in adduunku uusan laheyn wax micno ah. Habeenkii arooska Fardowsa, Cabdiraxmaan Wuxuu u soo diray fariin uu ku leeyahay:

“Haddi ay dunidu na kala fogeysay, qalbiyadeenu weli way wada jiraan. Xusuusteydu waa hadiyad aan kaa joojin karin. Waan ku jeclahay, xitaa haddii ay taasi tahay wax aan waxtar lahayn.”

Cabdiraxmaan fariinta oo u soo qoray Fardowsa markay akhriday fariintaas, way ooyday waxayna dareentay in qalbigeedu mar walba Cabdiraxmaan la joogi doono. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in aysan dib dambe isugu soo laaban karin.

Waa jacayl dhabta ah, laakiin nasiib-darro ay kala fogeysay nolosha Cabdiraxmaan iyo Fardowsa

Cabdiraxmaan iyo Fardowsa

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *