QEYBTA 3AAD
Qof walba oo aan diinta ugu yeero wuu shakinaayayMarka laga reebo Abuubakar
– Nabiga scw
Khaliifkii ugu horreeyay ee Islaamka, ahna mid kamid ah tobanka shaqsi ee jannada loogu bishaareeyay, sidoo kale wuxuu ahaa wasiirka koowaad ee Nabi Muxammad (SCW). Intaas oo dhan waxaa u dheer in uu ahaa saaxiibka Nabi Muxammad (SCW) ee wehelka u ahaa markii uu magaalada Madiina u hijroonaayay. Culimada Ahlu Sunnaha waxay ku sheegaan in uu yahay qofka ugu kheyrka badan bashariyadda oo idil, marka laga reebo Nabiyada iyo rususha. Magaciisu waa Cabdullaahi Binu Abii Quhafa, ABUU BAKAR SIDIIQ Nabiga ayaa u bixiyay Abuu Bakar Sidiiq, runtiisa badan awgeed.
Markii uu dhintay Nabiga (SCW), saxaabada ayaa waxa ay isku khilaafeen geerida Nabiga. Qaar waxa ay dhaheen Nabiga ayaa dhintay, halka qaar kale ay dhaheen Nabiga ma dhimman, markii uu yimid Abuubakar, arrinkana loo sheegay, ayuu Nabiga qolka ugu galay. Kadib ayuu marada wajigiisa ka qaaday, markaas ayuu dhunkaday. Sidoo kale, dadka ayuu u xaqiijiyay geerida Nabiga (SCW). Isaga oo khudbeynaya, ayuu dhahay: “Qofkii Muxammad caabudi jiray ha ogaado, Muxammad wuu dhintay, qofkiise Alle caabudi jiray, Alle waa mid nool oo aan dhimmaneyn.
Kadib markii uu Abuubakar Muslimiinta qalbiga u dajiyay, ayey Muslimiinta waxa ay ka tashteen cida hoggaamin doonto iyaga, maadama uu Nabiga (SCW) dhintay. Abuubakar ayaa markaas loo doortay in uu buuxiyo booskaas. Abuubakar markii loo doortay hoggaaminta Muslimiinta, ayuu jeediyay khudbad cajiib ah, daacadnimo iyo tawaaducna ay ka muuqato. Waxa uu yiri sidaan:
Dadoow…!
Madaxdiina ayaa la iga dhigay, mana idinka kheyr badni. Haddii aan wax wanaajiyo, igu kaalmeeya, haddii aan xumeeyana, itoosiya. Runtu waa amaanno, beentuna waa qiyaano. Kiina tabarta darran agteyda, xoog ayuu ku leeyahay ilaa aan xaqiisa ugasoo dhiciyo. Kiina awoodda lehna agteyda, daciif ayuu ka yahay ilaa aan ka qaado xaqa lagu leeyahay, hadday Alle idmo. Qofna kama taggo Jihaadka, illaa haddii uu ka tagana, Alle waxa uu ku salidaa dulli. Igu adeeca wixii aan Alle iyo Rasuulkiisa ku adeeco, haddii aan Alle caasiyana, wax adeecid ah idin kuma lihi.

Geerida Nabiga (SCW) kadib, islaamka waxaa ku dhacday musiibo weyn oo haddii uusan Abuubakar caqligiisa ku xalin laheyn, ay diinta daciifin laheyd. Wadajirka muslimiintana kala geyn laheyd. Markii uu dhintay Suubanaha (SCW), waxaa diinta ka laabtay Carabtii ugu badneyd. Kaliya waxa diinta kusoo haray reer Makka oo Qureysh ah, reer Daa’if, reer Madiina, iyo qaar kale oo yar. Xilligaasna, dadka waxa ay u qeybsameen laba qeybood.
1. Mid diinta dhan ka baxay sida reer BaniiQaddafaan iyo reer Banii Xaniifa
2. Mid diiday in uu Sakada bixiyo sida reer BaniiTamiim iyo reer Banii Hawsaan
Abuubakar markaas wuxuu go’aansaday in uu la dagaalamo dhammaantood, Intana waxaan kuugu sheegi doonna waxyar oo kamid ah dagaaladaas uu Abuubakar la galay dadkaas diinta ka laabtay.
W/Q :Muxammad Cabdi Farax (Bin Faarax)
Pingback: GEESIYAAL TAARIIKHDA GALAY - faaruuq