Waa inaan yaroo curdin ah, waa ubax ifaya qurux badan. Si kastaba ha ahaatee, waxay la nooshahay ayadeed, wax naxariis ah waligeed ma arag. Marka ay ka baxdo iskooľka dhaxdda, way uga baxday, ma heysto walaal kale. Hooyadeed kaliged ayay dhashay, mana noolla. Hase yeeshee, dadka dibadda markay la kulanto, way iska ilmeysa, marku qof ku yidha “side tahay, waad qurux badan tahay.” Taasoo uga dhigan dunida waxa yalla oo idil waa qof naxariis badan, kaga ma tagayso dhib, way kulla dhimaneysa. Nasiib xumo, iyaddu se may helin qof inyar unaxariisto.
Waxa ugu daran markay gasho period/dhiigi bilaha, waay xanuunsta, cid kaar-jabin, u tiigsta majirto. Islaanta ayaded “naaya ha isku kay suuronine, kac wilasha iyo gabdaha wax barashadda ka imanaaya cuntadda u kari.” Niyaday ka ledahay, reerkan baas manay week kaliya ku dayn karin. Anigi ayaa istaagu idhibayaaye! Hadanna, waa wax iyadda u yaall, taan kasii daran markay jikadda gasho, cunadda uurkedda ayaa dhibeysa. Markay sanka xidhato, aya xafadda hadal la isla dhax marayaa “naaya, ma uur ba ledahay, waxay sanka is heyso? Mise ilma iska soo riday?” Halki bay ooyin qabsaneysa, iyadoo hoos u ilmayneysa bay is odhaneysa, bal maxay iga raban jikan ugu jiraaye!
WAA INAN YAR OO CURDIN AH
Cuntaddi markay so kariso, ba la odhanaaya “kalay uso rid farxalkaanna ugay.” Hase yeeshee, hadda waa dad labatan jira, daday sidda ugu adeegayso. Markii ay dadku cuntadda u diyaariyaan, iyaddu diigsigga reebreebkisa ka cunta, iyadoo ka baqeysa in la cananto. Waxaa la yidhahdo “cunadda adiga yareyay,” oo intaasba ay waydo bay iska amuusey. Shaqadda reerka u qabto waxa udheer diilka, jugta, qayladda, caydda, hagardamdda.
Indhahedda way qalelen siday u ilmayneysay. Ma haysto cid ay maciin bido, saxiib ay ku nafisto, maba aysan baran wax naxariis ah. Walal ma haysto, la hooyo ah wa kaliged, maskax ahaan iyo jidh ahaanba way u daaashay. Mar mar, bay is tidhahdaa, “Gurigan ma ka caraarta?” Hadanna, ma taqaan meel ay u kacdo ama aado. Ma haysto mobeel ay ku maadadalooto, shaqadda markay iska soo dhamayso, qolkeddi cidhidhigga aha isku dadsanna ayey waqti ku qaaddata.Sariirta ayay madaxa gadal uga riidatay, timaha guudka way ka furtay, timaheddanna dhulkay ku jiidmayan, cagahanna darbiga sartay, iyaddo is dul sartay. Gacmaheddanna sariirtay, sidda ugu kala dhabacsisay marna way kaso qadeysa, labtay ku salaxeysa.
WAA INAN YAR OO CURDIN AH
Saqafka sarre guriga ayay eegeysa, way fikireysa, marnna xasilooni ayay dareemaysa, madamay shaqaddii iska soo idlaysay ama dhamaysay. Marna, iyadda is hiifeysa, is leh, “Nolashan adag gorma ka baxeysa?” Iyadoo siddi u jifta, ayar bay gameysa. Hal mar, baan qolka lagugu si jajaabinaya, “Naya, maxa la jiifta xiligan? So bax kalaay casariye naassi soo bax!” Iyada oo qalqalsan, bay so bodeysa, iyado naxsan, marna hurdeysa, mise oradkay oraday, diraca lugta u galayaa. Samadda intay ka timaado, dhulka ha gasho, halki iyaddi ha iska damqato, marna ha eegto shaqadda utall, lugta, jug haka so gadho. Dirac ay lahayd, intay gurgurto, ha jeexto lugta, ha ku xidhato. Shaqaddi siddi ha ku gasho, ma odhan karto, “Waan xanuunsanaya,” yay ku tidha ma cid bas kala jacel? Dabcan may!
Markii ay yarayd, waxa ay is odhan jirtay, “Hooyadda maxay dunidan wehel garabka laheyn, gufocooyinka ku darfiinaya, intay ku keentay kugu cidlaysay?”
Aabheed mar mar bay aragta, hase ahaatee, waligii il naxariis leh kuma eegin. Humaagedda ayaa uu tirsadda, se ma ogga xaaladaha ay ku nooshahay iyo taxadigga ku jirto. Waa aabe, subaxdii kalaha habeenkiinna waqti danbe so hoyda. Ma ogga meesha ay seexto, waxay cunto, waxbarashadeedda, iyo waxa ay niyadda iska leedahay, “dhaqankan foosha xune ad adeeg xagu nooga yimid.” Maxu aabahood hooyo iyo aabe kugu noqon wayay? Haddanna, waa mala-walka ay ku nooshahay, way iska amuusta iskaga socota.
ujeeddka- sheekadda Hablaha si qaassa ha lo ogaado walibba kuwa billa walidka.!
