Qormadaan Waaxaa qoray dhibane udaren sheeganaya qofki uu xiirirka kala dhxeyey wxna laga soo xigtay od xuuqudeeda kowad laha abwan caawale deeqasi.
“Waan kaa tagay, aniga oo aan is lahayn waad ka tagi doonta. Si kastaba ha ahaatee, kaagama aan tagin go’aankayga. Adiguba, taa waad og tahay! Waxaan kaa tagay aniga oo ixtiraamaya rabitaankaaga. Marka laga hadlayo, waxaan kaa tagay aniga oo ku jecel, adigoo aan doonaynin inaan ku sameeyo wax culays ah. Markii dambe, waxaan diiday inaan ku adkeeyo jacaylkayga, maadaama aad xasaanaddii igala noqotay.”Waa xanuun iyo dareen miidhan markan kale, hase yeeshee, kuguma nicin haddana! Si kastaba ha ahaatee, waxa run ah erey kasta oo aan kuugu cabbiri jiray dareenka aan kuu gabo. Sidoo kale, sidaa awgeed, baad wali u tahay qofka noloshayda ugu qaalisan. Weli, baad u tahay qofka aan ugu jecelahay.”
RAJEYSAY HANKI KU RABAY
“Aan doortay ee aan cidina booskiisa ii buuxin karin. Si kastaba ha ahaatee, waxaan kuu oofin doonaa ballan kasta oo aan kuu qaaday. Marka laga hadlayo, kugu fogayn maayo kala taggeena. Intaas waxaa dheer, kuguna ximin maayo xorriyaddaada aad xaqa u leedahay.Waxa sharaf
“Igu filan inaad mar soo martay noloshayda. Si kastaba ha ahaatee, dhib kasta waxaan ku illaawi doonaa, hal maalin oo aad igu tidhi, ‘wax ma cuntay? Ma nasatay?’ Amma aad in uun naxariis iyo xannaano ii muujisay. Sidoo kale, waxa wali niyaddayda ku xardhan markii aan is odhan jiray, gacanta is qabsada, wada dalxiisa, guri wada dhista oo ubad daadahaysta. Haddii aan si dhab ah u fiiriyo, wali ma masixin magacyadii aynu ugu talagalnay inaynu carruurteena mustaqbalka u bixino. Wali, inanteeni, sidii baan qalbiga ugu haystaa. Marka laga hadlayo, aniga xasuustaada ayaa igu filan!”
“Waxa aan qirayaa in aanan wada toosnayn oo aan bashar ahay. Si kastaba ha ahaatee, gef kasta oo aan kaa galo ka murugoon jiray, waliba aan kaa raali galin jiray. Marka laga hadlayo, mararka qaarna aan u dulqaadan jiray qaladaad waawayn oo dhankaaga ah, aniga oo diidaya in xidhiidhkeenu burburo. Hase yeeshee, taasi innama badbaadin! Dedaal kastana, waxa ka awood badan nasiibka.”
“Qalbigayga waxa ka buuxa kalgacalkaaga, xiisahaaga, iyo wanaag kasta oo adiga gaar kuu ah. Si kastaba ha ahaatee, nasiib uma heli doono, caleemo saarka qof kale oo aan calanka saaro. Haddii aan si dhab ah u fiiriyo, xataa adiga oo maqan, magacaaga iyo suuraddaaduba meel wayn bay igaga yaalaan. Marka laga hadlayo, wali waxaan xeeriyaa ehelkaaga, asxaabtaada, iyo cid kasta oo aan kugu aqaan.”
RAJEYSAY HANKI KU RABAY
“Marnaba, ixtiraamkoodii ma lumin. Si kastaba ha ahaatee, mooyi malaha, rejada ayaa wali igu jirta! Allaa xaal og. Ma dookh xumi oo taasi adiga ayaa liga marag ah. Waayo, waad iska ogtahay waxa aan kugu doortay. Marka laga hadlayo, qof kasta waxa uu Allah gaarka uga dhigay, isaga ayaa cid walba uga aqoon badan. Waan kugu hambalyaynayaa hankaaga, akhlaaqdaada iyo habdhaqankaagaba. Si gaar ah, waxa isoo jitay kaliya ma ahayn qurudaada hibada ah, balse dabeecaddaaduna qayb wayn bay ka ahayd. Hase yeeshee, xumaan kalena iguma aad samayn, marka laga tago in muddo xileedkaygii xaggaaga ka dhammaaday. Dhankayga se, aad sidii boqortooyada dhaxal u yeelatay. Wadnahayga taasi waligeedna keeni mayso inaan wax xun kaa sheego, amma aan colaad kuu qaaado. Si kastaba ha ahaatee, waxaan kula jecelahay wanaag oo dhan, waligay nabsi kulama doonin.”
“Mustaqbal flican baan kuu rejaynayaa. Sidoo kale, waxaan kuugu duceeyay qof sidayda kuu jeclaada oo kuu ilaaliya. Ugu dambeyntii, nolosha farxad iyo guul ku waar.”.