Dhamaystir la’aan Raadinta Ruuxa

Mararka qaar, waxaan u baahanahay in cad kamida bogeena aan uga jarno kuwa kale, si qayb inooga mida ay u noqdaan. Haddii aad u fiirsato, dhamaanteen waxaynu nahay “qabyo,” ka maqan ruux kale, illaa midkeen kastaa raadinayo ruuxa ka maqan.

Ma aaminsan tahay noloshu inay tahay falsafad madhan oo kale? Ilaa, inaguba aynu isku aragno inaynu nahay buug qabyo ah oo kale, sababtoo ah qof kasta waxbaa ka maqan, illaa runteena ay hal dhinac tahay.

Ma“waxaynu u baahanay inaan dareeno baahiyaha kuwa kale si qabyadooda aan u dhamaystirno, mise, qabyadeena si aan u dhamaystirno ayaynu ka shaqaynaa, oo jidkaas ayaan dooranaa??

Waxan arkaa su’aaluhu jeer kadiba inay sii laba jibaarmayaan, ilaa aad ka ogaanaysid sida ay wax kugu lamaan yihiin. Goortanba, aadan kaligaa ahayn, haddii hareerahaaga aad firisid, cabsida ayaa jaanis helaysa. Haddii maskaxda uun dhinaca kale aad u faydana, durba adigii ayaaba quusaya.

Si khaasa, ayaad u moodaa in qof kastaaba raadinayo wixii ka maqnaa, haddana, duruufaha ayaa midkeen kasta dabray, kadibna, waxaynu noqonay kuwo ku qasbanaaday inay cidlada runteeda aqbalaan. Mararka qaar, ayaad dareemaysa in dadkan hareerahaaga jooga ay yihiin kuwo u abuuran inay buuxiyaan qabyada ruux kale. Inagaase, ayna ina fahmayn, si kasta haday iskugu dayaan inay ujeedkeena fahmaan, oo dee, dabcan, kala duwanaanshaha dadka ayaa noqonaysa. Haddana, iyadoo ay saa tahay, ayaynu isku aragnaa qabyo.

Aan ku waydiiyee, runtu dhar ma xidhan kartaa si dadka qaar iskaga dhigto qabyadooda, kadibna runtaas ay u aqbalaan iyadoo dhar xidhan? Mise, aqbalaad kadib ayaan nidhaa dharka ayay iska tuuraysaa, kadibna, sidaas ayaan ku noqonaynaa qabyo.

Dhamaystir la’aan Raadinta Ruuxa

Maskaxda ruux kasta haddii la baadho, qabyo ayaa laga soo helayaa, sida inuu imaatinkeenii kowaadba ahaa inaan waxa maqan soo raadino. Aqoon korodhsiga, bilaw ayaan kasoo bilawnaa. Qoyska, kow ayaan kasoo bilawnaa, sida shaqada, nolosha, jacaylka, iyo guud ahaan baahiyaha nololeed iyo aasaasiyaadka oo dhan. Dhammaan waxaasi, qabyo iyagoo ah ayaa dhabta laynoo saarayaa, haddaba, qof amran ayaad tahay, oo intii ale baadi doonaya.

Mid kastaa wuxuu moodayaa dhab ahaan inuusan qabyo ahayn, laakiin si kastaba ha ahaatee, gudaha nafteena ayaan qabyo isku ahayn, sidaas darteed, qof kastaaba wuxuu raadinayaa cidda ka maqan.

Aad ayay ii dhibaysaa inaan ilaawo inaan ahay qof aan dookh lahayn, oo kaliya amrane ah. Dacal kasta, haddii aad kasoo marto, sinaba xor uma tihid. Laakiin markaas, waxay leeyihiin, “Anigu xor ayaan ahay.”

Ma waxay hilmaameen wixii la yidhi, mise qil kale ayay samaysteen si ay usii noolaadaan? Aadbay ii dhibaysaa inaan dhagaysto wax aan dani ugu jirin naftayda, oo aan ahayn qabyadaa iyo ruux kale oo qabyadiisa ahayn. Laba jeeraba, anaa dhibane ah.

Cid kamida qabyadeenu ma maqlaysaa ruuxdeenu kolka ay dhawaaqayso, ee ay cuganayso cid dhagaysata oo isla sideeda qabyo ah? Ma imika ayaad ogaatay in geeridu aysan ahayn xanuunka qudha ee qofka kastaa ku xukuman yahay? Dhacdooyin badan, xanuuno kala duwan oo mid kastaaba xaglooyinkiisa leeyahay, ayaa inoo diyaar ah si aan usoo dhawayno inagoo qabyo ah. Allow, nagu irsaaq helida waxaas aan raadinayno.

Qof ahaantayda, aad iima farxad galiyaan inaan halo ama haystaba wax igu filan inaan sii baaqi ahaado, yacni, ma garanayo si aan kuu idhaa, “laakiin” xaqiiqdii xisaabtaasi aniga ma aha.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *