sheeko jaceyl

sheekada Deeqo

Deeqo waxa ay aheyd gabar waalid la’aan soo kordhay hooyadeed & aabaheed iyada oo yar ayaa ay geeriyoodeen waxayna la soo kortay walaalkeed oo kaalin ka soo qaatay koriinkeeda, Deeqo waxay ka mid aheyd dhalintii iskuulada aanan dhameysan oo ay dagaalada sokeeye ka qaribeen heerkoodii waxbarasho.

Deeeqo dagaaladii sokeeye markii uu dhacay ayaa uu walaalkeed Colaad guursaday Nasteexo oo ahayed gabar aad u debci wanaagsan isla markaana aad ugu caqli celin jirtay Deeqo oo xilligaas xiriir curdan ah kala dhaxeeyey C/raxmaan oo ay deris ahaayeen Nasteexo marnaba lama dhacsaneyn xiriirkaan ay Deeqo la laheyd C/raxmaan oo ay aragtay in aanu waxba qabsan Karin maadaama uu weli uusan ka korin canjeeradii hooyadiis balse markii dambe oo ay xaqiiqsaday in ay Deeqo ku maqsuudsan tahay ayaa ay gareysatay in aysan ka fara gelin ama aysan u xumeyn ninka ay la heyso Dumaashideed.

Guurka Deeqo ma noqon mid soo daaho maadaama iyada iyo C/raxmaan ay aad isugu hamuun qabeen oo ay u doonayeen in ay midoobaan Deeqo walaalkeed marnaba ma uusan hor istaagin rabitaanka walaashiis waana uu aqbalay ninka ay la timid

Deeqo waxaa loo guuriyey gurigii ninkeeda oo aan sidaa xaafada ugu fogeyn waxaana halkaa kaga bilaawday noloshii cusub ay sugeysay, Deeqo ninkeena waxaa uu ahaa nin aanba jecleyn inuu shaqo tago maadaama uu iminka qaaday masuuliyad naf kale haddana arrinkaa kama aysan xumeyn Deeqo waana ku qanacsaneyd in ay reerka ninkeeda ay la noolaado maxaa yeelay waxa ay iska dhaacdhicin jirtay in maalin uun uu ninkeeda gareysan doono inuu shaqeysto.

Deeqo aad ayaa ay ula qabsaday qoyskii loo guuriyey mana u muuqan gabar guriga laga qabo waxayna howsha guriga la wadaagi jirtay hablaha guriga kula nool ee ninkeeda C/raxmaan ay walaalaha ahaayeen waana ay ku qanacsaneyd arrinkaa.

Mudooyinkaan dambe waxaad moodaa in ninkii C/raxmaan ahaa uu ka caajisay noloshiisa cusub isla markaana uu hamiga gashtay inuu wadanka isaga dhoofo oo uu afka saaro xagaa iyo qurbaha oo maalmahaan dambe ay dhalintii oo dhan ay u jiheysteen in ay si tahriib ah ay ku galaan dalka Yemen kadibna ay kaga sii gudbaan dalka Boqortooyada Sacuudi Areebiya si halkaas looga raadsado nolol ka fiican tan ay ka heli karaan tan taalo dalkooda, isagoo wada tashiyo badan la sameeyey dhalin hore jidkaas u martay ayaa uu ugu dambeyn C/raxmaan waxa uu go’aansaday inuu qeyrkiisa wax la qeybsado oo uu maro wadadaas isagoo durbadiiba helay koox dhalinyaro oo safarkaas biimada ah diyaar u ah in ay galaan balse C/raxmaan dhibka heysta ayaa ahaa sida uu arrinkaan kaga dhaadhicin lahaa waalidiintiisa oo iyaga aaminsanaa inuu yahay nin hore u qaaday masuuliyad ruux kale kaas oo lala jeeday xaaskiisa cusub.

C/raxmaan kama labalabeyn sida uu arrinkaan uu ula hortagi lahaa reerkiisa waxaana qorshihiisa gashaanka ku dhuftay aabahiis oo ku cannaantay in looga baahan yahay daryeelka gabadha uu soo xareystay waxaase arrintaa aad ugu dhiidhiyey C/raxmaan oo aabahiis u sheegay in sababta uu u ambabaxayo ay tahay inuu xaaskiisa u soo tashto.

Cali Gaab oo ahaa C/raxmaan aabahiis ahaana nin codkar ayaa arrinka uu la yimid wiilkiisa mar kale ku gacan seyray una sheegay in shaqo aan laga la’een oo ay wadanka laf ahaanteeda ay shaqo jirto loona baahan yahay qof kartidaas la timaado oo ka shaqeysta isla markaana uu ogaadaa inuu saran yahay masuuliyad oo uu qofka uu soo xareystay ay isaga sugeyso isla markaana uusan marnaba ogolaaneynin inuu baxo.

C/raxmaan oo aad ugu carooday go’aanka aabahiis ayaa haddana dib ugu soo noqday saaxiibadiisa oo u sheegay waxayna kula taliyeen inuu xaaska loogu goodinayaa uu meesha ka saaro micnaha iyadaba furo haddiiba uu rabo inuu safarkaan uu ka mid noqdo, C/raxmaan waxa uu sameeyo ayaa uu garan waayey waayo go’aankii aabahiis meel ayaa uu ku ogaa isla markaana ma uusan dooneynin inuu ka haro safarkaan waxaana markii dambe la saxnaatay fikirkii ay siiyeen saaxiibadii wuxuuna durbadiiba go’aankiisa noqday inuu furo Deeqo si aysan safarkiisa caqabad ugu noqonin.

C/raxmaan nin go’aankiisa meel ayaa uu ahaa durbadiiba waxa uu abaaray gurigooda si uu isla manta u fuliyo go’aankiisa waxaa uu la kulmay Deeqo oo keli ku ah guriga isla markaana ku mashquulsan qado diyaarin ayaa uu inta uu kor yimid ayaa ay ku tiri

C/raxmaan

In aan kula hadlo ayaan rabaa

Deeqo oo la yaaban codkiisa qabowga ah

C/raxmaan:Si gaar ah in aan kula hadlo ayaan rabaa ee fadlan qolkeena na keen

Deeqo:Laakiin qof kale guriga ma joogto waad ila hadli kartaa

C/raxmaan:Waxaan manta aan go’aansaday in aan noqono walaalo

Deeqo oo durbadiiba fahamtay hadalka meesha uu u dhacaayo ayaa cod tiiraanyo laga dareemi karo ku tiri

Deeqo:Go’aanka mar kasta waa xagaaga kamana xumi go’aankaaga

C/raxmaan:Waa ku baryaa ha I weydiin sababta aan arrinkaan u smaeeyey

Deeqo:Laakiin gabar walba xaq ayey u leedahay in ay ogaado xumaanta ay leedahay ee ay gurigeeda iyo gacalkeyga ay ku weysay laakiin haddiiba aadan adigaba rabin in la ogaado waxa go’aankaan Qalafsan kaa keenay waliba aniga oo og in aysan jirin xumaan dhexdeena ka dhashay ayaan haddana aan ku weydiineynin sababta balse waxaan kuu sheegayaa in iminkaba aan rabo in aan gurigeena ku noqdo fadlan warqada furiinka guriga igu keen

Deeqo markiiba inta ay qolkeeda gashay ayaa ay dharkeeda iyo dahabkii ay gabarnimadeeda ku heshay kala soo baxday iyadoo aan wax kale soo qaadan ayaa durbadiiba gurigooda abaartay waxaana ilinka hore ee guriga kaga hor timid C/raxmaan walashiis Maryan Kiin oo weydiisay meesha ay u socoto oo ay u qalab qaadatay inta ay gadaal u fiirsay C/raxmaan weli daashka taagan ayaa ay ku tiri meesha aan u socdo walaalkaa weydii waana ay sii dhaaftay

Maryan Kiin iyada oo yaaban ayaa xagaa iyo walaalkeed u talaabo qaaday oo ay ku tiri

Maryan Kiin:

Aboowe maxaa meesha ka dhacayo maxeyse dumaashi u baxday ii sheeg ma dagaasheen waa ku baryaa soo celi

C/raxmaan:

Maya ma soo celin karo waxaana u sheegay in aan furayo iminka warqada furiinka ayaan soo diyaarinayaa

Maryan Kiin:

Aboowe haddiiba aysan wax kaa haleynin maxaa furiin keenay bal ii sheeg kaalay adiga miyaadan nabsi ka baqeynin

C/raxmaan:

Waxa aan sameynayo anigaba ma ogi laakiin in aan Deeqo furo waa maslaxadeyda waxaana sababteeda leh AABO oo arrinkaan igu qasbay

Maryan Kiin:

Aabo ayaa arrinkaan igu qasbay AA!! Kaalay ma aabo ku yiri fur Deeqo mise waxaad rabto ayaad iska sheegeysaa

C/raxmaan:

Maya abaayo aniga in aan tahriibo ayaan go’aansaday Aabana waa uu ugu gacan seyray isagoo waliba qiil iiga dhigayo Deeqo haddiiba ay iyada oo kaliya ay tahay qofka safarkeyga hor taagan anigana waxaan go’aansaday in aan furo si hamigeyga uusan u halaaban

Maryan Kiin:

Hadaan ku gartay waxaana aad ugu xumahay sida aad nolol u baabi’neyso laakiin mid ogow in nabsiga aad manta gashay uu maaliin ku keeni doono lugaha Deeqo miskiin sida aaad niyada kaga jebisay waad iska arki doontaa waaba haddii aad safarkaaga aad ku liibaanto waxaanse ka baqayaa nabsiga aad adiga galeysid inuu xataa annaga na saameeyo

C/raxmaan:Maya abaayo sidaan oo dhan aniga uma xumi aniga ma dooneynin in aan furo waan ogahay wax ka yar 3 bilood in aan qabo laakiin waxay ku timid wadadii horumarkeyga qasab ayaana igu aheyd in aan sidaa yeelo

Maryan oo aad ugu xanaaqday daliilaha uu walaalkeed u cuskanay ayaa inta ay ka dhaqaaqday guriga hore u sii gashay

C/raxmaan laf ahaantiisa inta uu albaabka ka baxay ayaa u abaaray meesha ugu sahlan uu ka qori karo warqadii furiinka

Deeqo sidii ay u sii socotay ayaa ay iyada iyo boorsadedii ay gurigooda tageen dumaashadeed Nasteexo oo guriga ku sugneyd ayaa markii ay aragtay ku tiri

Nasteexo:

Deeqo maxaa ku helay maxay tahay boorsadaan aad sidato?

Deeqo iyada oo aan hadal oroan ayaa ay gashay qolkii ay abid degnaa jirtay

Nasteexo oo durbadiiba qolka ka daba gashaya ayaa tiri ila hadal Deeqo sidee wax u dhaceen

Deeqo:Wixii dhici jiray ayaa dhacay waana ley soo furay

Nasteexo:

Sidee waxaas oo dhan ku dhaceen haddiiba uu dhib jiray maxaad annaga noogu soo sheegi weyday annagaa xallin laheyn

Deeqo:C/raxmaan miyaad ii tuugi laheedeen

Nasteexo:Maya sidaas ma aha labadiina ciyaal ayaan tihiin waan idin caqli celin lahayn sida uusan u dhicin fudeydka iminka dhacay

Deeqo:Maya dumaashi qofkaas xaggiisa waan ka soo dhamaaday wax celin karo maba jiro sidaan waa uu iila doonaayey waxaanse ka xumahay in aan hore u maqlin hadaladii aad I Oran jirtay

Nasteexo:Maya waxba dib ha u goconin wixii hore intaan ayaa qorneyd ii sheeg maxaa furiin keenay miyaad dagaasheen

Deeqo:Dumaashi anigaba ma ogi sababta la ii furay waana sababta aan la tiiraansanahay buuq nooma dhaxeyn saaka isagoo caadi ayaa uu guriga ka baxay markii uu soo noqday waxa uu uu igu yiri waxaan jecelahay in aan walaalowno haddaba aniga maxaan oroan laha waa yahay ayaan iri waana soo baxay waxaana ku iri warqadeyda guriga igu keen

Nasteexo:Wey fiican tahay haddiiba uu hortaada ka Oran waan ku furay walaalkaa ayaa wacayaa si arrinta loo daba qabto

Deeqo oo arrinkaa aad ugu xanaaqsan ayaa cod dheer ku tiri

Deeqo:Maya dumaashi maxaad sidaan oo dhan igu diciifineysa haddii la ii furo feer miyaa I jebisay mise curyaan ayaan ahay maya qofna lama hadleyso waxbana walaalkey ha u sheegin isagaaba warqada noo keeni doono

Nasteexo waa ay gareysaday hadalka Deeqo waxayse aad ugu xumeyd oo ay la murugooneysay Deeqo oo iyada xageeda ka ah gabadheeda oo kale iyadoo ka cabsi in ay gabadha nolosha oo dhan ka quusato waa tii la yiri (GUURKAADA HORE OO HALAABO KAAGA DAMBE AYAA UU U BAASBAXAA)

Salaadii casir kadib ayaa uu C/raxmaan soo qaaday warqadii furiinka oo ay wax walba ay ku cad yihiin isagoo waliba hore u soo kaxeeyey labadii wiil ee marqaatiyaasha ku qornaa inta uu Deeqo u yimid farta ka saaray kuna dhawaaqay inuu 2 dalaaqadood ku furay markii uu intaa yiri ayaa uu illinka ka baxay

Naxteexo oo ka xun sida ay wax u dhacayaan ayaa inta ay Deeqo qolka ugu soo gashay ayaa inta ay xabadka saartay ku tiri

Nasteexo:Waxba ha ka xumaan ninkaan nin xumaan kale damacsan ayaa uu igula muuqdaa midse ballan iga qaad in aadan dib u goconeynin C/raxmaan iyo noloshiisa oo aadan murug is gelin weli waad yar tahay nolol ka fiican tii C/raxmaan waan hubaa wadadaada waa ay ku imaan doontaa

Deeqo:Waa ballan dumaashi in aan idiin murjin balse sidee u illaawaa dhamaadka deg deg ah ee uu yeeshay guurkeygii igu horeeyey sideese keyga dambe u hagaagayaa

Nasteexo:Wax walba xag rabbi ayaa ay ka qoran yihiin waxna ha u arkin arrinkaan adiga ayaa lagaaga baahan yahay in aad la timaado dulqaad adduunyada waa imtixaan qofba ay maalintiisa soo marto iskuna day in aadan nolosha ka cabsan oo aad hore u socoto

Deeqo:Waa runtaa Dumaashi nolosha waa imtixaan laakiin waxaan sugayaa maalin uu manta ka liito C/raxmaan si aan kaga aargudo isaga hadda ma moodo inuu dhibaato I biday oo uu nolosheyda ku tuntay laakiin maalintaa ayaan xag rabbi ka sugayaa

Markuu maqribkii uu dumaya ayaa uu Colaad guriga ku soo noqday markii uu qubeystay ayaa Naxteexo u sheegtay in Deeqo ay joogto iyadoo waliba si tifatiran xaalka oo dhan ugu shegtay, Colaad inta uu walaashiis u galay ayaa uu ku yiri

Colaad:Wax walba Nasteexo ayaa ii sheegtay adduunyada wax walba waa ay dhacaan balse leysma weydiiya sidee u dhaceyn ee waxaa lagu fikiraa wixii dhacay sideee looga gudbaa marnabana ha is murjin gurigaan waa kii lagaa dhalay adigaana leh

Deeqo: inta ay walaalkeed u soo dhawaaday ayaa isku duubtay oo ay ku tiri aboowahey waa ka weyn tahay oo aabahey ayaa ii tahay waana kaa filaayey in aad dhiira gelintaan ii sameyneysid waana ku mahadsan tahay

Colaad markii uu ka soo tagay Deeqo ayaa uu xaaskiisa ku yiri

Colaad:Reerkaan ma jecleysan sida ay walaashey ula dhaqmeen maxaa yeelay gabadhaan shalay gogol ayaa lagu siiyey waxaana loo baahnaa in ay igu soo simaan ee ma aheyn in wadada ku soo daayaan Oday Cali gaab gabadhaan isagaa soo doonay xitaa miyuu garan waayey inuu isaga aniga isoo raadiyo oo sida uu xaalka yahay ii soo sheego ileyn gabadha waa walaashey waa in aan raadiyaa oo aan weydiiyaa sida ay arrintaan ay ku dhacday

Nasteexo:Waa runtaa Colaad laakiin aniga waxaa ila quman in aadan raadin maxaa yeelay waxaad ula muuqaneysaa in aad walaashaa la baryootameysid balse fiiri wixii ay kula yimaadaan koley waa ay imaan kartaa in aad maalin aad kulantaan bal maalintaa arag waxa uu ku yiraahdo

Colaad taladii xaaskiisa ayaa uu qaaday sidii lagula taliyey ayaa uu yeelay

C/raxmaan reerkiisa marnaba kuma farxin markii loo sheegay inuu saaka gabadhii furay oo ay gurigooda jirto

Hooyo Xabiibo oo ahayd qof suuqley ah ayaa arrintaan aad kaga carooday oo wiilkeeda ku cannaanatay arrinka uu sameeyey Oday Cali laf ahaantiisa waa uu ka xanaaqay waxaana uu u sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu isku tashto

C/raxmaan xogaa lacag oo uu aruursaday ayaa ku tashtay sidaana ku aaday safarkiisa biimada ahaa isaga iyo kooxdii dhallinyarada ahaa ayaa maalintii seddexaad baabuur ku socota magaalada galkacyo ka raacay suuqa bakaaraha sidaana ku billaaway safarkiisii aan la ogeyn natiijada ka dambeysa

Deeqo sariirta ayaa ay la saxiibtay mar walba cunto ayaa loogu yeeraa mana cunto mudo usbuuc ah ayaa uu jirkeeda ku gurmay maalin ayaa waxaa dood dhex martay iyada iyo Dumaashideed Nasteexo oo iyada aad ula murgooday Deeqo inta ay qolkeeda u gashay ayaa ku tiri…….

Nasteexo:Deeqo maxaa ku helay oo aan isu baabi’neysaa miyaadan ogeyn ninka murugtaan kuu keenay inuu laf ahaantiisa uu mushaaxayo uuna ka warqabin dhibka aad adiga meeshaan la jiiftid

Deeqo:Maya Dumaashi aniga lama kurboonayo isaga laakiin waxaa mar walba ii sawirmayo sida fudeydka laheyd ee aan ku guursaday iyo waliba ninkii aad iga waani jirtay oo aan ku madax adeegi jiray oo aan mooday mid isku haleyn karo oo I samata bixin kara dhib kasta oo dariiqeena ku yimaado sida uu nolosheyda u qaribay

Nasteexo:Looma baahna in wixii tagay aad ku fikirtid ka waran haddii Dukaan suuqa kaaga furno si aad ugu ilaawid noloshaan aad ku jirto ee murugta u saaxiibka ah

Deeqo:Maya Dumaashi waan ogahay in walaalkey dhaqaalo sidaa u sii buuran uusan laheyn mana doonayo in aad idiin kalifo haddaan isu arkaa in aan kiil idinku ahay

Nasteexo:Sidaa ha dhihin kiil naguma tihid aniga waxaan ila simana tahay gabadheyda Sihaam maalintii gurigaan la ii soo guuriyey oo aan arkay sida uu walaalkaaga kaaga fikirayo oo uu ku jecel yahay oo aad adigana aad aabe ka dhigatay ayaa aniga isu arkaayey in aan hooyadaa camal aan ahay marka sideee ku leedahay kiil ayaan idiinku ahay ma jirtaa gabar hooyadeed iyo aabaheed kiil ku ah

Deeqo markii ay intaa Nasteexo tiri ayaa inta ay soo istaagay ooyin Nasteexo kula dul dhacday oo ay tiri waa ku baryaa waan qaldamay lagama yaabo in aan maalin kale aan afkeyga kalamadaas oo kale aan soo mariyo

Nasteexo oo ah qof caaqilad ah isla markaana fursadaan ka faa’ideysaneyso ayaa tiri

Nasteexo:Haddiiba aad ii aragto in aan hooyadaa ahay warkeyga ha diidin anigaa walaalkaa u sheegayo dukaan yar ayaa suuqa lagaaga furaya adiga caraf caraftaada ka raadso iskuna mashquuli waxaa laga yaabaa xataa inuu nasiibkaaga meesha kugu imaan doono

Deeqo waa ay aqbashay hadalkii ay Dumaashideed u soo jeedisay Colaad laf ahaantiisa fikirka nasteexo waa la dhacay waana uu aqbalay in gabadha la mashquulayo si aysan nolosha ugu dhibtoon

Colaad oo ahaa nin karti ilaahey u dhaliyey kuma dhibtoon inuu qol yar ugu soo helo suuq boocle walashiis durbadiiba waa uu camiray sidaa ayaa ay Deeqo ganacsigii yaraa ee nolosheeda laga kabayey ugu billaawday suuq boocle oo ay si fiican u gareyneysay

C/raxmaan laf ahaantiisa safarkiisii biimada ayuu galay wuxuu rafaad badan la sii kulmaba waa uu tagay dalka Yeman iyadoo xataa doontii uu la socday ay bad weynta ku sii qariqantay wallow isaga iyo asxaabtii la socotay ay ka badbaadeen balse rafaad badan kadib ayaa uu gaaray dalka Yeman halkaas oo kaga go’day lacagtii yareyd ee uu heystay waxayna danta ku qasabtay inuu baabuur ka dhaqo halkaas si uu ugu yaraan nolohiisa u daboolo iskabaa daayee inuu ku fikiro inuu safarkiisa sii wado kaas oo uu ku fikiraayey inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku gaaro dalka Sacuudiga oo hamigiisa ahaa inuu halkaas ka shaqeysto

Dhinaca kale Deeqo ganacsigeedii yaraa ee lagu mashquulinaayey ayaa meesha ka sii waday iyadoo illaahey talada saaratay si uu ugu guuleeyo nolosheeda waxaana suuqa isku barteen Liibaan oo ahaa wiil laf ahaantiisa suuqa ganacsi ku lahaa Liibaan waxa uu ahaa wiil dhalinyaro oo illaahey ku maneystay caqli wuxuuna la noolaa hooyadiis isagoo aabahiisna uu dhintay halka gabar la dhalatay laga qabay dalka Masar Liibaan waxa uu ahaa nin hooyadiisa masuuliyadeyda saaran tahay isagaana kaabi jiray nolosha hooyadiisa waxaana ay degnaayeen xaafada Xoosh oo aan sidaa ugu fogeyn halka ay degan yihiin Deeqo,

Liibaan xaafada waa ay ku cusbaayeen oo mar dhow ayey soo degeen oo ay guri ka iibsadeen.

Liibaan tan iyo markii ay Deeqo suuqa dukaanka ka furatay il gaar ah ayaa uu ku haayey wuxuuna u arkaayey in ay tahay gabadhii uu in muda ah uu raadinayey oo ay noqon karta mida kaliya ee nolosha la qeybsan karta wuxuuse aad u dhowrayey fursada ugu horeysa inuu ugu sheegto waxa ay qalbigiisa ku jira.

Liibaan waxa uu billaaway mar walba uu firaaqo dareemo inuu u sheeko doonto dukaanka Deeqo waxaana halkaa dhowr jeer ku aragtay Nasteexo oo ay xataa is barteen Nasteexo aad ayaa ugu heshay Liibaan waxayse habeenkii dambe markii ay Deeqo suuqa ka soo hooyatay ay weydiisay

Nasteexo:Deeqo arrin ayaa rabaa in aan ku weydiiyo hana iga xanaaqin

Deeqo:Waad I weydiin kartaa balse Arrin noocee ah dumaashi

Nasteexo:Wax kale ma aha waa arrin ku saabsan wiilka Liibaan ah

Deeqo:Jooji warkaas waan ku fahmay aniga iyo Liibaan waxba nagama dhaxeeya waxaan u dareemayana ma jiraan

Nasteexo:Waa dhici kartaa in aadan waxba u dareemin balse sow lagama yaabo inuu isaga wax kuu dareemayo

Deeqo:Waa yahayee damaciisa iyo waxa uu dareemayo aniga maxaa iga galay

Nasteexo:Hadaad xanaaqday waan kaa deynayaa mowduucaas

Deeqo:Wey fiican haddiiba aad iga deyneysid sida aad wax u dareemeysid wax umana jiraan Dumaashi

Nasteexo markiiba waa ay ka tagtay markii ay dareentay in dumashideed aysan ogoleyn ka hadalka ninkaas

Liibaan howshiisa uu ku ugaarsanaayey Deeqo marnaba ma uusan joojin wuxuuna go’aansaday inuu gurigooda uu ku booqda wuxuuna u arkaayey in halkaas ay tahay meesha kaliya uu ugu sheegi karo rabbitaankiisa wuxuuna durbadiiba go’aansaday in isla caawa uu abaaro gurigooda si uu bareerahiisa ugu sheegto wuxuu aad ugu kalsoonaa Nasteexo oo uu aaminsanaa in uu ka helayo soo dhaweyn wacan balse nasiib daro Liibaan isaga xaalka dhabta ah ee Deeqo marnaba ma uusan heyn wuxuu kaloo Nasteexo u doonaayey in uu warbixin buuxa oo Deeqo ku saabsan xataa uu ka helo wuxuuna aad ugu cabsi qabay in nolosheeda uu nin ku jiro

Habeenimadii ayuu liibaan inta uu si billacsan u lebistay ayaa uu tiigtay xaafadii Deeqo waxaana illinka guriga ka furtay Nasteexo oo ku soo dhaweysay inuu guriga soo galo markii uu fadhiistay kadib ayaa loo sheegay in Deeqo ay iminka baxday oo ay hore u sii raacday gabar ay saxiibo yihiin oo u timid wuxuuna sheeko dheer uu la yeeshay nasteexo sheekadoodiina sidaan ayaa ay u dhacday

Nasteexo:Liibaanoow aad ayaan ugu xumahay in habeenkii ugu horeysay ee aad gurigeena timid in haddana ay Deeqo maqan tahay dhabtii dabeecadaheda kama mid ah in ay habeenkii baxda laakiin caawa gabadhaan oo u timid ayaa ay raacday

Liibaan:Dhib malaha qofka waa uu daneysan karaa anigaba uma sheegin in aan u imaanayo ee nin damac kaliya uu wado ayaan ahay Dumaashi

Nasteexo:Aniga mar hore ayaan kaa dareemay laakiin dumaashidey adiga weli lama hadlin soow maaha

Liibaan:Haa dumaashi cabsi ayaa mar kasta I reebta maxaa yeelay Deeqo waa qof inta badan aan furfurneyn hadana hadalka badan kama hesho

Nasteexo:Dumaashidey gabar furfuran waa ay aheyd laakiin guurkeeda hore deg dega uu ku burburay ayaa sidaan ka dhigay

Liibaan oo arrinkaan la yaab ay ku noqoday ayaay tiri

Liibaan:Deeqo hore miyey u guursatay?

Nasteexo:Maxaa dhacay liibaan arrintaan lama socotid miyaa

Liibaan:Maya yaa ii sheegayo iyada iima hadasho aniga waa is baray laakiin iyada nolosheeda waxba igama sheegin taa waxaan u arkaayey inaysan waxba ii dareemeynin xataa markaan suuqa wada joogno Kama hesho in aan xilli kasta aan la joogo marka sideen ku ogadaa

Nasteexo:Liibaanoow wax aan kaa qarimaayo ma jirto Deeqo hore ayey guursatay wiil ay muda saaxiibo ahaayeen misana guurka kadib malaha isfaham daro ayaa timid taa ayaana ugu wacnaa furiinkeeda kadibna guriga markii ay ku soo noqotay gabadha in ay disappoint noqota ayaan ka baqnay waxaana ku mashquulinay ganacsigaan yar oo aan u furmay, wallaahi aniga agteeda markaan kugu arkay aad ayaan kugu farxay waxaana mar walba Deeqo ugu duceeya in illaahey uu calafkeeda uu ka dhigo wiilkii ay u qalantay maxaa yeelay Deeqo waa gabadheyda oo kale waana gabar aad u fiican oo waxgarad ah

Liibaan:Waa runtaa Deeqo waa gabar fiican aniga laf ahaanteyda mudo ayaan guur Doon ahaa waxaana intaa aan la’aa gabadh I qancisa dhabtii aragtidii ugu horeysa aad ayaan ugu helay dhabtiina rabbitaankeyga ma badali doono in ay hore u guursatay oo ay garoob tahay

Nasteexo:Dhabtii aniga waan kuu arkaa in aad tahay wiil nolosha ay u qalanta Deeqo siin Kara laakiin ogow waxaa lagaaga baahan yahay dulqaad iyo samir maxaa yeelay weli dumashidey waxaa qalbigeeda ka guuxayo oo la weyn sida deg dega ah ee uu guurkeeda ku burburay

Liibaan:Waa ballan in aan maquuste noqdo

Liibaan cabbaar markii uu la sheekeeyey isla markaana ay weli maqan tahay Deeqo ayaa uu go’aansaday inuu iska baxo waxaana uu nasteexo u sheegay in uu habeen kale oo uu imaan doono, in cabbaar markii uu sii maqnaa ay Deeqo guriga ku soo noqoday markii loo sheegay in Liibaan uu u yimid ayaa iyada aan jecleysan ayaa ay durbadiiba ay qolkeeda gashay

Dhinaca kale ninkii C/raxmaan ahaa weli waxa uuu ku sugnaa dalka Yeman weli waxa uu la xarbinaayey nolosha waxaana aad ugu adkaa inuu ku noolaado noloshaas xataa ma uusan heli Karin lacag yar uu ku soo Waco reerkiisa si lacag loogu soo diro maxaa yeelay labada Riyaal uu maalintaas soo shaqeysto Kama badneyn ceyshka uu naftiisa ku sasabo

Balse markaan C/raxmaan waxaa moodaa in xoogaa if yar ay nolosha ka soo gasho wuxuuna magaalada kula kulmay wiil ay beri iskuul wada dhiganayeen oo halkaas iyo yurub ka yimid kaas oo reerkiisa y ku noolaayeen dalka Yeman una ballan qaaday inuu ka bixinayo lacagta uu xadka Sacuudiga kaga gudbi karo, rajada soo gashay C/raxmaan ayaa aheyd mid wanaagsan wuxuuna aad ugu kalsoonaa in Ismaaciil uu ka bixinayo lacagtaas uu u baahan ee ka gudbin karta xadka isla markaana siin karta nolol ka fiican tan uu iminka kala kulmay dalka Yeman.

Balse liibaan ayaa weli ka guul keeni la’ jaceylkii uu u qabay Deeqo dhowr habeen kale oo uu booqday guriga Deeqo arrintaan waxa ay aad kaga careysiisay Nasteexo oo ku cannaantay sababta ay habeen walba guriga ugu cidleyneysa wiilkaan iyada u soo haasaawo yimid balse hadalka Deeqo waa uu cadaa waxayna warka ku soo koobtay in aysan marnaba diyaar u aheyn in ay dhageysato waxa uu wado.

Nasteexo oo aan jecleysan sida ay dumaashideed u dhaqmeysa ayaa ka daashey si kasta oo warka ugu sheegto dumaashideed balse ugu dambeyntii ayaa ay Liibaan samirka ku boorisay Liibaanse wax uu ahaa nin dulqaad iyo samir ku soo tashtay kuna dhaartay inuu ka miro dhaliyo jaceylkiisa ugu horeeyey ee uu gabar u qaaday.

Liibaan oo taa ka duulayo ayaa habeenkii dambe markii uu guriga Deeqo yimid waxa uu fursad u helay inuu Deeqo la kulmo waxaase habeenkaas dhacay arrin uusan ku fikirin Liibaan kadib markii ay madaxiisa ay ku dagaaleen iyada iyo Dumaashideed oo iyada aheyd qof mar walba u coddeyneysay Liibaan balse abukaatonimadeeda waxaan ka helin Deeqo oo habeenkaa hadalo qalafsan kula hadashay isla markaana kaga digtay in aysan marnaba soo gelin arrimaheeda

Liibaan oo buuqooda maqlaayey iska markii uu isku dayey inuu soo dhex galo oo uu ka soo baxo qolkii fadhiga oo uu ku jiray ayaa waxaa ka hor timid Deeqo oo aad u xanaaqasan ayaa ay ku tiri.

Liibaan:…………………..

Haddii aad hal guuldaro aan dhadhamisid maxaa dhacay nolosha miyaad ka sabreysaa

Deeqo:Maya nolosha oo idil Kama sabrayo laakiin waxaan u baahan nahay waqti aan ku fikiro

Liibaan:Laakiin anigaba ma anigaan kuu diiday waqtiga waa ku baryaa qalbigaan ololayo xal u keen xataa ugu yaraan rajo

Deeqo:Waa ku baryaa sidaa ha I dhihin aniga arriamahaas uma soo jeedo

Liibaan:Waa yahay mid I samee in aan kula kulmo oo kaliya ii ogolaaw anigaa hubo in aad wadadeyda kugu soo ridayo

Deeqo:Taasi waa waqti dhameys

LIibaan:Laakiin aniga ilama aha ee ii ogolaaw in aan xaafada kugu imaado oo kula sheekeysto

Deeqo:Laakiin aad ayaad u war badan tahay waana iga war badisay Ok waan ogolahay caawa xataa waad noo imaan kartaa maxaa yeelay dumaashi ayaa kuu codeyneysa u imaaw caawa iyada ha ogaado in aan ku raali geliyey

Liibaan waaba sida uu rabay oo in muda ah oo uu raadinaayey waana ku kalsoonaa haddii uu u hor fadhiisto deeqo inuu guul ka keeni karo sidaas ayaana uu maalintaa farxad ugu noqday gurigiisa hooyadiis u sheegay in xaalkiisa uu billow wanaagsan iminka heysto hooyo Nuuro oo aad wiilkeeda u jecleyd ayaa habeenkii markii uu guriga ka soo baxayey ducada ku soo kabtay sidaas ayaana uu Liibaan u beegsaday xaafadii Deeqo habeenkaas soo dhaweyn fiican ayaa uu guriga ka helay oo inta badan ka imaaneysay Nasteexo oo xataa ku dhiira gelisay in uu hore u sii dhaqaaqo kana meel keeno Deeqo oo iyadaba aheyd mid aad u madax adag

Liibaan waxaa uu u gudbay qolkii fadhiga wuxuuna habeenkaas uu fursad u helay arrimahiisa mid billaaw ilaa iyo dhamaad waxayna Deeqo u sheegtay in aysan tuureynin balse ay u baahan tahay waqti ay arrimahiisa kaga fikirto Liibaan oo arrinka aad ugu farxay ayaa ku yiri waqti intaan doonto ayaan ku siinayaa laakiin waa ku baryaa marka aad maskaxdaada go’aanka ka gaareysid fadlan dhageyso waxa uu qalbigaaga ku oronayo waayo lagama yaabo inuu qalbigaaga ku qiyaamo Deeqo oo habeenkaas aad ula dhacday sheekada Liibaan ayaa si ay farxadi ku jirto ku sagootisay.Wixii habeenkaa ka dambeeyey sheekada u dhaxeysa Deeqo iyo liibaan waxa ay aheyd mid fiican oo inta badan marka ay shaqada ka yaraato Liibaan waxa uu u sheeko doonan jiray dukaanka Deeqo waana tan suuqa oo dhan ay u hadal hayaan arrimaha ka dhaxeeya Deeqo & Liibaan

Deeqo mudooyinkaan dambe waxaa laga dareemayey rabitaan ay u qabto sheekada Liibaan haddii uu soo daaho waa ay ku adkeyd in ay sugto maalintii Jimacaha oo aysan inta badan suuqa tagin ayaa waxa ay arrinta nafteeda ku soo korodhay kala hadashay dumaashideed Nasteexo markii loo sheegay ayaa ay qosol la dhacday oo ay ku tiri

Nasteexo:Deeqooy sow kuma dhihin la kulan oo kaliya waan hubay inuu wadada kugu soo ridi doono Liibaan waa wiil debci wanaagsan oo wax garad ah isla markaana hadalka mudnaantiisa yaqaan oo heybadana ka muuqato

Deeqo:Dumaashi ma aqaan meesha aan hadalka ka billaabi lahaa liibaan waan ka helay dhabtii waa ceeb in aan aniga iraahdo waan ku jecelahay.

Informed Today – Smarter Tomorrow

The only newsletter you need for top stories, industry insights, and exclusive updates. Stay informed, stay empowered.

Nasteexo:Yaa ku yiri waa ceeb in ay gabari sheegato waxa ay tabeyso

Deeqo:Sow kuma wanaagsana inuu isaga I yiraahdo

Nasteexo:Mid ayaan kuu sheegayaa isaga sow hore rabitaankiisa sow kuguma sheegan adiga uma oran waan ka fiirsanayaa isagaba waa uu kaa dheraraayey tani ee adiga u sheeg in aad raali ka tahay in aad xiriirkaan curdanka aad wada riixaan waa intaas oo kaliya

Deeqo:Caawa ayaa uu imaanayaa bal ka waran hadaan ka faa’ideysto oo aan u sheego laakiin Dumaashi waan xishoonayaa

Nasteexo:Wax qalad ha u arkin u sheeg waxa uu qalbigaaga tabeyo

Deeqo maalintaa ilaa iyo habeenkii waxa ay ka fikireysay meesha ay hadalka ka bilaabi laheyd iyadoo intii ku jirta ayaa uuna waqtigii ku dhamaaday Liibaan qudhiisa habeenkaas waxaa u qorsheynaa inuu xaalkiisa meesha uu maraayo uu ka wareysta balse yaa u sheega in markaan isagaba laga daran yahay oo aad loogu hamuun qabo

Liibaan habeenkaas si billacsan inta uu soo lebistay ayaa uu waqti hore guriga yimid Deeqo qudheeda mar hore ayaa ay is diyaarisay iyadoo ka fikirka arrintaan ku jirta ayaa loo sheegay inuu Liibaan yimid waxayna u sheegtay inuu gudaha hore u soo galo Liibaan markii uu soo gudbay ayaa uu aad ula dhacay sida wacan ee ay caawa u lebisan tahay markaasuu ku yiri

Liibaan:Waaw caawa si billicsan ayaad u lebisan tahay mid ma kuu sheegaa dharka noocaan oo kaliya ka qaado aad ayaad ugu jirtaa

Deeqo:Haddii aad sidaan u lebisto mar kasta sow kama cabsaneysid in la iiga kaa arko

Liibaan:Meel kasta oo aad adiga ku faraxan tahay aniga waa kugula faraxsan nahay maxaa yeelay farxadaada waa teyda

Deeqo:Taas waan kaaga mahadcelinayaa Macaanka

Liibaan:Maxaa tiri ku soo celi

Deeqo:Macaanka ayaan ku dahay sow xaq uma lihi taa

Liibaan oo dareenkiisa is badalay ayaa yiri

Liibaan:Deeqo kalmadaan mar hore ayaan kaa sugaayey waana ku faraxsan nahay in caawa aan kalmadaas maqlo

Deeqo:Liibaan wax badan waan ku fogeeyey laakiin qalbigeyga waan kaa saari waayey dhabtii wanaagaaga ma aha mid aan inkiri karo adigaana hore ii yiri go’aanka markaad qaadaneysid qalbigaaga waxa uu ku leeyahay dhageyso kadibna go’aanka gaar qalbigeyga adiga oo kaliya ayaa ku jira ee ma ii kaafin kartaa, ma I illowsiin kartaa dhibka uu waayaha I baday

Liibaan markii intaa yiri ayaa uu fadhiga ka kacay oo inta uu hoosteeda fadhiistay ku yiri

Liibaan:Ma ihi nin xun igu kalsoonaaw waxaana ku siin doonaa nolol aan hagar laheyn sidoo kale ayaan ku dareensiin doonaa nolosha dhadhanka ay leedahay

Deeqo markii intaa la yiri ayaa inta ay istaagtay Liibaan fadhiga ka kicisay ayaa xabadka saartay oo ay tiri

Deeqo:Ii ballan qaad in aad dhibka iga dhowreysid

Liibaan:Waa ballan taas gacaliso

Halkaas ayey ka billaawaday sheeko wadaag heerkeeda sareeyo oo u dhaxeeya Liibaan & Deeqo iyadoo dhinaca kale ay xaalka soo dejdejineysay Liibaan hooyadiis oo aad u dhowreysay in arrinka guur lagu soo gababeeyo Deeqo oo iyada baqdani qabta ayaa aaminsaneyd in fursad la siiyo isfahamka oo aan loo hogaansanaanin maxabada ay isu qabaan. Arrinka ay soo jeedisay Deeqo gacaliyaheeda waa uu ku raacay waana uu gareystay.

C/raxmaan nasiibka markaan waa uu saaciday wuxuuna si dhib badan ugu gudbay xadka u dhaxeeya Dalalka Sacuudiga iyo Yemen oo ah xad aad loo ilaaliyo ah isla markaana ka gudubkiisa ay aad u dhib badan tahay markii uu u gudbay dalka Sacuudiga oo aheyd meeshii uu ku haminaayey inuu gaaro ayaa uu fursad oo uu ku shaqeysto oo uu helay wuxuuna ahaa nin hore u bartay farsamada Baabburta oo xagga dabka ayuu ku fiicnaa wuxuuna qaadan jiray lacag fiican oo u suura gelisay inuu kireysto guri oo uu waliba nolol fiican uu ku noolaado wallow uusan waalidiintiisa uusan soo xasuusan xilligaas ay u baahnaayeen gacantiisa maxaa yeelay hooyadiis Faaduma oo qoyska u shaqeyn jirtay ayaa dhimatay waxayna qoyska ay galeen nolol aad u adag Oday Cali gab waxaa ay danta biday inuu reerka dhabarka u xerto mana ka warheyn meesha uu wiilkiisa ku sugan yahay waana tan keentay in C/raxmaan uusan maqlin dhimashada hooyadiis

Ugu dambeyn xiriirkii Deeqo iyo Liibaan waxa uu salkiisa noqday in ay is guursadaan waxaana guurka soo dejdejiyey Liibaan hooyadiis oo safar dalka Masar u soo baxay oo ay gabdheeda ku dooneysay in ay Hooyadeed la noolaado Mulki waa Liibaan walaashiisee waxay waxbarasho ka waday dalka Masar oo ay tagtay Horaantii 1990kii burburkii dalka ka dhacayna waa ay ka maqneyd kadib markii ay jaamacada Dhameysatay ayaa ay is guursadeen wiil Masri oo ay jaamacada wada dhigan jireen waxayna in muda ah ay hooyadeed weydiisaneysay in ay halkaan timaado oo ay iyada la noolaado balse Hooyo Nuuro ayaa mar walba ku adkeysan jirtay in wiilkeeda uu iyada u baahan yahay sidaas dardeedna aysan ka tagi Karin balse manta hooyo Nuuro laf ahaanteyda ayaa go;aansaday in ay dalabka gabadheeda ay ogolaado oo ay soo aragto carruurta ay ayeeyada u tahay ka hor inta aysan bixina ay guuriso wiilkeeda oo ay dooneysay isagoo xaas leh in ay ka tagto.

Guurka Deeqo waa uu dhacay waxaana loo guuriyey guriga odaygeeda markii usbuucii ay ka baxday arooska ayaa ay hanatay guriga ninkeeda waxaana firfircoonaanteeda aad ugu heshay Liibaan hooyadiis

Markii uu soo dhawaaday bixitaankii Hooyo Nuuro ayaa maalin

Jimco ah waxaa ay sheeko dhexmartay Hooyo Nuuro iyo Deeqo waxayna doodiina ay u dhacday sidaan

Hooyo Nuuro:Gabadheydiyee sida aad la socoto aniga dhawaan waan baxayaa waana markii igu horeysay nolosheyda aan wiilkeeda aan ka fogaanayo dhabtii qof aan ku kalsoon nahay ayaa tahay oo liibaanna aan dhibaato badeynin waanana waad ka dhan tahay balse waxaa la yiri waanada qofka waxgaradka ah xasuusin ayaa ay u tahay hooyooy ii ballan qaad in aad Liibaan aadan cidla kaga tageynin

Deeqo:Hooyo Liibaan waa ninkeyga aan jecelahay mana laga yaabo in aan cidlo kaga tago

Hooyo Nuuro:Waan ogahay dhabtii labadiina waad isku fiican tihiin illaahey ayaa isu kiin dooray laakiin gabadheyda seddexeeye iska dhowro bani’aadamka waxaa ku jira Sheydaan aan samaanta dooneynin xumahana ifiya ee kaas iska dhowra teeda kale Liibaan aad ayaa uu dabci fiican yahay haddana murugta uma dulqaadan karo ee gabadheyda Liibaan murugta ka ilaali

Deeqo:Waa balan taa Hooyo mana laga yaabo in aniga iyo Liibaan buuqeena leysugu soo baxo

Markii uu hadalka intaa marayo ayaa waxaa soo kacay Liibaan markaasuu yiri

Liibaan:Manta hooyo iyo gabadheeda ayaa sheekeysanayo maxaa la sheegay

Hooyo Nuuro:Wax kale kama aanan hadleyneyni maadaama aan baxayo labo maalmood ka dib ayaan adiga kaala dardaarmaayey Deeqo si ay kuu ogaato

Liibaan inta uu qoslay ayaa uu yiri

Liibaan:Hooyo ma adigaa Deeqo igala dardaarmeysaa anigaaba iyada masuul ka ah

Hooyo Nuuro:Hooyoo ragiina masuuliyada ayaa idiin hor qaaday waxaan kaala dardaarmaayey daryeelkaaga iyo in aad isu samirtaan maxaa yeelay Bani’aadamka haddii ay meel isla joogaan isfaham daro dardeed xataa waa ay isugu dhici karaan

Liibaan:Waa runtaa hooyo laakiin annaga waan is badinaa mana filayo in isfaham daro uu na soo dhexgali karo illaaheyna hanaga haayo waxaan aniga iyo Deeqo aan kula tagno

Mar qura ayaa Hooyo Nuuro iyo Deeqo aaminta wada qabteenXilligii loo qorsheeyey ayaa ay Hooyo Nuura ay ku ambabaxday iyadoo ku soo jeeda magaalada Qaahira oo ay gabadheeda ay ku nooshahay waxayna transit ay ku sii aheyd Cimaarada Dubay.

Liibaan ganacsigiisa waa uu kordhay waxaana uu gaaray heer uu alaabta Cosmatics uu isaga soo jeediyo waxaana dhinaca uu gaaray heer uu aabo la yiraahdo oo xaaskiisa uu jecel yahay ay u umushay isla markaana loo dhalay wiilkiisa ugu horeeyey kaas oo loogu wan qalay Mohamed waxaana sidoo kale aad u korodhay farxada ay isu qabaan oo ay ku wada nool yihiin isaga iyo xaaskiisa farxada ka muuqata Deeqo iyo odaygeeda waxaa aad ugu faraxsaneyd Nasteexo oo Deeqo u aragta in ay tahay curadeeda waxayna mar walba Deeqo u sheegi jirtay inuu Eebe uu samirkeeda abaalkiisa siiyey mar haddii uu Xaas kaga dhigay Liibaan oo waxgarad ah isla markaana loo baahan yahay in labadeeda gacan ku qabsado nasiibkeeda

Addunyada waa mid dhib badan isla markaana is badbadal badan haddii uu C/raxmaan uu sacuudiga sidoo doono ugu raaxeysanayo dhinaca kale qoyskooda waa mid aad ugu baaba’san dalkii waxayna danta biday in xaafada looga qaaraamo si ay ugu amabaxaan Kalinka Shanaad ee Is maamulka Soomaalida halkaas oo Duq Cali Gaab reerkiisa ay degan yihiin kaas oo uu isaga oo dhowr iyo toban jir uu ka soo tagay isla markaana uusan dib dambe ugu noqon maantase ay danta biday inuu dib u noqdo maxaa yeelay Hooyadii reerka u xamaali jirtay haddii uu Ilaahey oofsaday sidoo kale wiilkii curadkiisa ahaana uusan gareynin meel u ka raadiyo

C/raxmaan nolosha xun uu reerkiisa ku sugan yahay wax kalama socon dabcan mana dooneynin inuu raadiyo siduu wax u taro iyadoo reerkiisa uu dhibkaas oo dhan uu marayo haddana isaga boqolaal Riyaal ayaa uu habeenkii lumiyaa maxaa yeelay waxa uu markaan noloshiisa uu ku dabaqay gabar mudo toban sano ka badan dalka Sacuudiga ku nooleyd isla markaana caan ku ah in ay raga Jilaafto oo ay ka shubato inta ay wadaan sidoo kale ayaa ay gabadhaan oo lagu magacaabo Luul ay ahayd gabar ka mid ah koox isku xeran oo Soomaali oo qamriga kariya isla markaana dhowr jeer oo hore gacanta Booliska ka baxsatay

C/raxmaan maskiin waxaas oo dhan lama socda waxaana indha tiray quruxda ay gabadha Luul ah ay qabtay kaas oo ay sii kordhisay iyadoo maalintii 12 ka saac ku mashquulsan is qurxiinteeda C/raxmaan dhowr habeen oo ay wada fadhiisteen ayaa uu kaga codsaday inuu guursado Luul wadadii ay rabtay ayaa uu C/raxmaan si fudud ugu soo dhacay kamana ay diidan habeenkaas ayaana uu billaawday C/raxmaan oo lacagtiisa loo tashtay

Wixii habeenkaas ka dambeeyey C/raxmaan waxaa uu dhex galay nolol baaba’iisa loogu tashanayo Luul waxayba isaga u arkeysay qof dhunsan oo manta wadadeeda ku soo dhacay waxayna la dooneysay in ay marsiiso wadadii ay qeyrkiisa hore u marsiisay

Waxayna habeen walba u keeni jirtay Duumo ay lacag kaga qaato mar ay tiraahdo Hooyo ayaa soo cawaaday Aabe ayaa lug ka jabay Eedo ayaa geeriyooday balse beenta ay habeen walba Luul ku qaraabado C/raxmaan ma noqon mid uu ku fahmo oo uu iyada ku barto waxaana dhacday in habeenkii dambe ay la timaado xaalada uu ku qoslo oo ay lacag ku rabtay Luul iyo Odaygeeda waxa ay fadhiyeen qolka fadhiga oo dhowr Joodari ay yaalaan waana la wada qayilayey qaadka oo dalka Sacuudiga Mamnuuc ka ah isla markaana si qarsoodi ku soo galo haddana aad u qaali ah ayaa ay cunayeen caawa jawiga guriga waa uu ka duwanaa habeenada kale maxaa yeelay labadooda cid kale oo wehlisay ma aysan jirin Luul oo suuraha marka ay ninkeeda aragta billaawda ayaa tiri

Luul:Xabiibi reerkeyga baahidooda waad haqab tirtay balse waxaase jirta in Qeyb jirkeyga ka mid ah aadan weli haqabtirin

C/raxmaan oo u qaaday in raganimadiisa la durayo ayaa la soo booday.

C/raxmaan:Maxaa dhacay sow iguma qanacsanid caawa miyaadan caadi ahayn

Luul oo fahamtay in C/raxmaan uusan garan biya dhaca hadalkeeda ayaa tiri

Luul:Sideee Xabiibi sida aad u fahamtay uma dhigin hadalka ee arrin kale ayaa jirta

C/raxaan oo neef ka soo foqday ayaa yiri

C/raxmaan:Ok ee ii sheeg sida aad hadalkaaga u wado

Luul oo inta ay xabbiibkeeda u soo dhawaatay ayaa inta ay faraheeda gacmaha saartay wejigiisa ayaa ay ku tiri

Luul:Faraheyga waxaa jira qaar aan faraanti qabin ka waran anigoo Xaajigaan xaaskiisa ah haddana aan marka aan aroosyada tagayo in qaar faraheyga ka tirsan ay marnaadaan

C/raxmaan ayaa inta uu qosol la dhacay ku yiri

C/raxmaan:Waxaanba is lahaa maxay sheegi doontaa

Markii uu intaa yiri ayaa inta uu gacanteeda soo qabtay oo uu dhunkaday ayuu yiri

C/raxmaan:Quruxdaada wax kasta oo sii kordhanayo waan kuu ogolahay waxba haka walwalin adiga ayaan kuu noolahay macaanto

Luul oo gaanjibanimada ku qalin jebisay iyo sida raga loo sasabto ayaa inta ay ku soo booday afka afka u gelisay oo baashi uusan weligii ilaawi Karin u dhiibtay

Miskiin C/raxmaan muxuu fahamayaa waxayba la tahay xuural ceyn isaga loo soo diray yaa u sheega in isaga oo kaliya ay u tashatay oo xataa aysan Rabin in ay ilmihiisa caloosheeda ku qaato waana sababta ay kaniiniyaasha u isticmaasho, C/raxmaan baaba’iisa buriska loo heysto maba arko balse(( aqristoo ma moodaa in tani ay tahay wuxuu hore u galabsaday))?C/raxmaan markuu noloshaas dabada gadoonka leh uu jiro dhinaca kale reerkiisa waxay ka hub qaadeen magaaladii uu ku dhashay kadib markii ay ku adkaatay aabahiis inuu nolosha reerkiisa uu daboolo wuxuuna afka saaray halkaas iyo magaalada Dhagax Buur oo ah goobtuu ku dhashay

Dhinaca kale Deeqo illaahey waa uu nimceeyey waxay farxad kula nooshahay odoygeeda Liibaan oo ahaa nin illaahey qadarin iyo Xushmad u dhaliyey oo xaaskiisa aad u daryeela waxayna Deeqo hooyo u noqotay cunugeedii labaad oo ahaa gabar ay ugu magac dartay Nasteexo oo ay la jeclaatay in ay magac wadaag kala dhigto Nasteexo oo Dumaashideed ah isla markaana ay hooyo ahaan u aaminsan tahay

Farxada ay reerkaan ku jiraan waxay ahayd mid qofkii u yimaada ama la deris ah uu ogaan karay sida ay isu qiimaayaan waxay ahaayeen kuwa aan daqiiqad qura la maqlin buuqooda

Luul oo dalka Sacuudiga caan ka ah ayaa markaan dhalin badan waxa ay go’aansadeen in wiilkaan manta iyada u xareysan la dareen siiyo in gabadhaan aysan ahayn gabar fiican oo lacagtiisa oo kaliya dan ka leh wiilal dhowr ah oo soo ogaaday in C/raxmaan uu yahay mid dalka ku cusub aqoonna aan u laheyn Luul ayaa dhacday in loo sheego laakiin maxay jawaabtiisa noqotay miyaad iga maseyrsan tihiin war I dhaafa arrinteyda shaqo kuma lihidin wiilashii oo aad ugu carooday ayaa halkaas isaga soo huleelay iyagoo ka xun arrinka ay kala kulmeen C/raxmaan

C/raxmaan godkiisii bahala galeenka ahaa ee ay u qoday Luul ayaa mudo kale ku sii jiray isagoo aan fahmin sida ay gabadhaan caddowga ugu tahay lacagtiisa oo aysan ugu fikirin mustaqbalkooda C/raxmaan lacagiisa ma ahaato kuwa ku raagto waa ay ka sii baxaan isaga isma weydiiyo sababta uusan keyd u yeelaneynin wuxuuna aaminsanaa maadaama farsamo dalka Sacuudiga qaali ah uu soo bartay uusan lacag la’aani ku imaan Karin inta uu nool yahay waana sababa uu lacago fara badan u qarash gareeyo

Waa maalin Jimco ah oo sida caadada ah aan laga shaqeyn dalka Sacuudiga C/raxmaan weli ma uusan toosin waa amin ku dhow salaadii Duhurka buuq aan caadi ahayn ayaa uu maqlay guriga inta uu qolkiisa ka soo baxay ayaa uu soo galay halka uu buuqa ka socday mise waa saloonka markii uu hore u soo galay ayuu arkay koox uusan weligiiba arkin oo rag u badan wallow ay hablana ay ku jireen inta uu gadaal u noqday ayaa uu Luul wacay, Luul iyada oo qosol aan jirin iska raadineysa ayaa ay u timid markaasuu ku yiri

C/raxmaan:Ragaan yeey yihiin maxayse ka soo dooneen halkaan

Luul oo baratay sida xanaaqiisa loo dejiya ayaa tiri

Luul:AASIF Xabiib!!!! Waxaan mooday in aan xalay kuu sheegay manta kooxdaan aniga ayaa Marti qaaday waa kooxdii dalkaan markaan imid 10 sano ka hor I gacan qabtay

C/raxmaan:Waayahay haddii uu Marti qaad oo kaliya uu ku siman yahay

Luul oo weli dareensan inuusan raali ka aheyn ayaa inta ay dhexda ka soo qabsaday qolka soo gelisay oo asxaabtii fadhiday bartay markii isbarashada dhamaaday ayaa uu C/raxmaan qolkiisa ku soo noqday maalintaas si wada jir inta loo qadeeyey ayaa qadadii ka dib jaad ay wadeen la baraxday qaar iyaga ka tirsan ayaa calaq gasado ku waday C/raxaam luul waxay wadado ma uusan diidi Karinee dhinaciisa ayaa uu ka fadhiyey

Luul been kama ay sheegin in kooxdaan ay ahaayeen kooxdii iyada dalka Sacuudiga ku soo dhaweeyey waxay ahaayeen qolo in badan la raadinaayey oo boliska dalkaas uu ku daba joogay dhaqaaqooda in muda ah waa ay hakiyeen si aan loo helin qof waliba meesha uu ku badbaadi karo ayaa ku sugnaa maantana waxay u tahay farxad maadaama mudo 3 sanno ah aysan meel ku wada geerishin.

Geerisheyntii ayaa ku dheeraaday mar ay saacada aheyd lixdii saac ee habeenimo ayaa C/raxmaan oo ahaa qof berito shaqo laga rabo ayaa asxaabta ka codsaday in la fasaxo maadaama uu berri shaqo u kalahay waana laga oglaaday xaaskiisa oo iyada aad moodo in weli uusan qaraarka gaarin ayaa tiri Xabiibi caawa isku day in aad keligaa seexato maxaa yeelay asxaabtii ayaa joogto oo waqtiga la dilayaa inta uu madaxa lulay ayaa qolkiisa aaday.

Luul oo diidaneyd in C/raxmaan ay agtiisa ay ku cabto bahasha oo ay aad ugu hamuun qabtay mudooyinkaan aan cabin ayaa markii ay ku hubsaday mar kaliya la soo baxday qeybteeda oo billaawday in ay cabto C/raxmaan waxaas oo idil lama socon oo waa hurdayey waxaase mar kaliya hurdada ka kiciyey markii albaabka guriga si xoogan lagu soo furay oo gudaha guriga ay u soo dhaadhaceen ciidamo lebisan oo mar kaliya qabtay intii wada fadhisay C/raxmaan markii uu arkay in gudaha guriga la soo galay ayaa uu qolkiisa isku celiyey laakiin in lagu dhaafo ma noqon waana la soo saaray isagoo Bijaamo oo kaliya qaba markii uu yiri ii ogolaada in aan dhar xerto waana laga diiday oo laad ayaaba loogu daray.C/raxmaan ma uusan fahmin sababta ay tani u timid waxayna la aheyd in kooxdii tarxiilka ay yihiin waxayse xaalka uu ku weynaaday markii la dhigay Saldhigii oo su’aalo uusan jawaabtooda garan la weydiiyey wuxuu ku jawaabo ayuu garan waayey qofuu xaalka weydiiyo uma jeedo haddii uu luul wax weydiin lahaa ma garanayo meesha iyada la geeyey markii uu weydiiyey ayaa loo sheegay in xabsiga qeybta dumarka ay ku xeran tahay dadka uu la joogana ay yihiin koox muda la raadinaayey oo xataa ay ka mid tahay gabadha uu sheegayo in ay xaaskiisa tahay.C/raxmaan waa ayaa ku baryey aniga kama mid ihi ayaa uu galay maxayse dartaa taas waxaana ugu dambeyn lagu xukumay lix bilood oo xabsi kadib marka uu dhameystay waxaa loo sheegay in loo musaafiri doono dalkiisa cataaw iyo ooyin ayaa uu la dhacay sidaana ma ii dambeysay ayaa afkiisa laga saari waayey.

C/raxmaan waxay xabsiga ay ku saaxiibeen wiil Guuleed la yiraahdo oo isaga 2 sanno oo la xukumay ay kaga harsan tahay 2 bilood oo qura Guuleed laf ahaantiisa waxaa debinkaan soo dhigtay gabar oo noloshiisa sidaan oo dhan inta ay u baabisay misana xabsiga dhigtay maalintii dambe waxaa dhex martay sheeko uu qof waliba kaga sheegeynayo qofka uu yahay wuxuuna C/raxmaan u sheegay in noloshii quruxda badneyd uu ka helay sacuudiga ay laaday xaaskiisa oo iyada ahayd qof duliyad ah markii uu C/raxmaan intaa yiri ayaa Guuleed la soo booday.

Guuleed:Adigana ma naag ayaa debinkaan ku soo gelisay kaalay iyaga dhibkeena maa loo abuuray maxay jariimada na loo daba taagan yihiin

C/raxmaan:Miyaadan ogeyn in hore loo yiri SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAAARO

Guuleed:Waa runtaa saaxiib tani waa jariimo in aan marno noo qorneyd aniga hooyadey oo ii ooyneysa ayaan ka soo soo dhaqaajiyey oo tahriib soo galay waxaan badda ka soo maray xataa kuma cirib qaadan seddex maalmood ayaan Koomo ku jiray waxaan ugu jiray isbitaal dalka Yemen ku yaala markaan ladnaaday isma oran dhib kii hore ha kuu ahaadee dalkaaga isaga noqo haddana dhib kale ayaan soo maray oo aan si dirqi ah aan kaga soo oo gudbay xadka Sacuudiga & Yemen sacuudiga markaan imidna waxaa nolosheyda baabi’say gabar quruxdeeda I sirtay laakiin kama xumi habaarkii aan hooyadey ka hoorsaday ayaa igu daadanayo maxaa yeelay hooyadey oo agoonimo igu korisay ayaan indhaeeda illin ka keenay

Guuleed markii uu intaa maraayey ayaa uu ooyin la dhacay waxaana aamusiiyey C/raxmaan oo ahaa qofka kaliya ee ay isku dalka yihiin ee qolka kula jira oo ay is af fahmi karaan

Guuleed markii samirsiinta uu qaatay ayaa uu C/raxmaan ku yiri ii sheeg saxiiboow sidee aya noloshaada aheyd C/raxmaan oo dhabarka derbiga ku santeecsanayo ayaa yiri

C/raxmaan:Koley sidaada oo kale ayaan dalkaan ku soo galay waliba waxaan ku dheerahay in aan dalkii xaas ku lahaa oo aan in ka yar 3 billod aan wada joogtay ayna aheyd gabar aan jaceyl ku guursaday laakiin markii Buufiska uu I galay aan furiin kaga naxsaday nabsiyo badan ayaa hore u galay Guuleedoow hooyadey iyo aabahey oo aan raali iga aheyn ayaan soo baxay waxaan xasuustaa maalintaan xaaskeyga furay aniga oo aan waliba u sheegin sababta aan u furayo iyadoo xilliaagaas qadadii aan cuni lahaa diyaarinteeda ku mashquulsan ayaa gabar aan walaalo nahay igu tiri gabadhaan nabsigeeda waad iska arki doontaa waliba waxay ii raacisay waxaan ka cabsi qabaa in nabsigaas uu annaga oo dhan na saameeyo, saaxiiboow waxaan rabbiga awooda leh aan ka baryayaa in nabsiga Deeqo aan ka galay inuusan reerkeyga saameyn

Guuleed:Reer muqdishu miyaad aheedeen C/raxmaan:Haaa reer Madiina ayaan ahayn saaxiib

Guuleed:Gabadha aad furtay xaalka ay ku sugan tahay maka warantaa mudadii yareyd ee ay kula joogtay armey uur kuu qaaday

C/raxmaan:Saxiiboow iyada iskaba dhaafee xataa reerkeyga kama waramo 3 sanno iyo bar ayaan waddankii aan ka maqan nahay

Guuleed:Gabadhaan baas ee aad nolosha sacuudiga aad ku baratay intee ayaa ay kaaga timid

C/raxmaan:Saaxiib habeen baas ayaan bartay anigoo Qaad meel la iigu sheegay ka raadinaya ayaan habeenkaas wada fadhiisanay kadibna waxaan gaarnay in aan is guursano

Guuleed:Saxiiboow weligaa ka fogaaw naag qayisha maxaa yeelay anigaba waxaa sidaan ii baabisay mid baas oo oo qayisha qaadkana iibisa oo aan quruxdeeda aan ku indha dharaan daray waxay ahayed mid baqti ah oo marar badan wiilal aan qaraabo nahay iga waaniyeen laakiin aan ka diiday markii ay lacagteyda guratay ayaa ay xabsiga I dhigtay

C/raxmaan:Saaxiiboow sidee xabsiga kuu dhigtay

Guuleed:Waxay ahayd habeen aan ballansaneyn laakiin aniga lama socon in iyada ay Booliska raadinayaan markii aan guriga tagay ayaan ugu tagay iyada oo si uun u degdegsan markii aan weydiiyeey waxa ku dhacay ayaa igu tiri waxba iguma dhicin ee guriga sii jog waan soo noqoyaa markii ay iga maqneyd saacad ku dhawaad ayaa albaabka loo soo garaacay si xad dhaaf ah markaan furayna waxay ahaayeen booliska oo iyada magaceeda wada markaan damcay in aan la hadlo ayaa la ii dharbaaxay inta gacmaha katiinad la iiga xeray ayaa guriga hore loo galay markii iyada laga soo waayey ayaa laga soo saaray boorso ay ku jiraan jaadkii ay habeenkaas iibineysay sidaas ayaa xabsiga la iigu keenay oo 2 sannadoodna la iigu xukumay taasaa saxiib haddaaan arki lahaa waan dili lahaa kadib hala ii toogto xataa waan u qabaa Luul maan ilaawayaa waxa ay I baday

C/raxmaan oo magaca Luul markii uu maqlay madaxa kor u soo qaadaya ayaa yiri

C/raxmaan:Luul aa saaxiib luul ayo

Guuleed:Ma aqaan wax loogu taro laakiin maxaad ii weydiineysaa maxaase sidaan magaceeda ugu soo booday

C/raxmaan:Laakiin aniga gabadha godkaan aan darteed u galay waxaa la yiraahdaa Luul laakiin luusheyda qaad ma iibin weligeed

Guuleed:Koley aniga ma aqaan in gabadhaha na qayaamay ay hal yihiin laakiin mid ayaan kuu sheegayaa gabadha aan ka hadlayo garabkeeda Midix waxay ku lahayd bar weyn oo aad moodo inuu dab yahay

C/raxmaan markii intaas la yiri ayaa uu madaxa hoos geeyey oo ku yiri

C/raxmaan:Saaxiiboow waa ayaan daro maxaa yeelay adiga iyo aniga manta hal gabar ayaa sidaan noo gashay oo aan xabsigaan dardeed u jiifnaa sow ma nihi ragg nacaso ah oo aan runta iyo beenta aan kala fahmeynin oo gabarlee ka aqli badisay oo fahmi waayaan qiyaanadeeda

Guuleed oo aad ula yaabay xanaaqa ka muuqda C/raxmaan ayaa si uu dejiyo ku yiri

Guuleed:Saxiiboow Relax sow adiga oronayey SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAARO iska daa iskana ilaaw laakiin lagama yaabo in ay dumar mar kale na kediyaan

Sidaas ayaa ayna Guuleed iyo C/raxmaan ay isku samir siiyeen maxaa yeelay si kale ay xaalka u dhigaan ma aysan heyn waxayna ku duceysteen in illaahey u fudedeeyo xilliga xabsiga kaga dhiman

C/raxmaan intaas dhib marka uu marayo dhinaca kale Deeqadii uu dhibka biday nasiibkeeda ayaa saaciday oo ay si farxad ah ayaa ay reerkeeda ku dhaqaneysay

Wuxuu waqtiga is guraba C/raxmaan waxaa u dhamaaday mudadii lixda billood ee lagu xukumay waxaana loo sheegay in dalkii loo musaafurin doono tani C/raxmaan waxa ay la ahayd farxad weyn mar haddii uu ka baxayo afarta derbi uu in muda ah uu ku oodnaa wuxuuna iska dhaadhicinayey in uu Muqdishu uu dib ula midoobi doono reerkiisa dhinaca kale waxa uu qabay inuu raadiyo Deeqo oo uu qiyaasaayey in xilligaan ay weli bannaan tahay wuxuuna iska dhaadhicinaayey in ay sixad dhaaf ah ay u jeceshay aysan xilligaan weli aysan illaawin jaceylkiisa Alle yaa u sheego in Deeqo ay heshay nin dhibkuu baday ka masaxay

C/raxmaan subaxii dambe ayaa loo sheegay in xaggaa iyo Airporka loo kaxeyn doono farxad xad dhaaf ayaa uu dareemay sidaas ayaana uu ku soo gaaray Diyaaradii keeni laheyn dalkiisii hore ee uu hore ugu haajiray wuxuuna diyaarada ay kula sii kulmay dhalinyaro badan oo soomaali oo iyaga xagga iyo tarxiilka laga keenay C/raxmaan lix bilood kadib ayaa uu dareemayaa xurriyad waxaana uu aad ugu faraxsanaa reerkiisa oo uu la kulmayo balse isweydiinta ayaa ahayd farxada uu iminka dareemayo c/raxmaan ma ahaan doontaa mid sii jirta

Wuxuu walaahoow iyo hillow ku soo jiraba waxa uu ugu dambeyn soo gaaray Garoonkii diyaaaradaha Ballidoogle halkaas oo ay ka soo qaadeen baabuurtii shirkada waxaana la keenay xaruntii Shirkada wuxuuna kaga sii gudbay halkii uu reerkiisa uu ku tabayey balse maxaa helay C/raxmaan maxayse dhegahiisa ay qabteen markii uu soo gaaray xaafadii uu ku soo koray ee Ceel BoocleJahwareer uusan ku fikirin ayaa uu galay markii loo sheegay in reerkiisa ay xaafada ka guureen isla markaana ay qabteen xagga iyo dalka Ethiopia isla markaana ay hooyadiis geeriyooday meeluu afka saaro ayaa uu garan waayey mar ay uu xaalka ku xun yahay ayaa uu soo xasuustay in ay aabahiis qaraabo ahaayeen oo uu ku tabayey Suuqa Bakaaraha uu raadiyo meeshuu ayaa uu lug ka soo billaaway maxaa yeelay Kun uu BL ku raaco xataa jeebka uguna jirin markuu uu gaaray halkii uu tabayey odoygii uu raadinaayey ayaa waxaa loo sheegay inuusan meeshaan lahayn qofka uu raadiyana isla markaana aysan gareynin meesha uu ninkaas ku dambeeya mar dambe ayaa ragg dhallinyaro ah oo baqaarka ka shaqeeya ayaa ku yiraahdeen wax xoogaa sug ninka meesha iska kale ayaan weydiineynaa haddii uu xaajiga aad raadineyso uu garanayo meesha uu ku dambeeyo in muda markii uu fadhiyey ayaa waxaa yimid ninkii meesha lahaa ee milkiilaha ahaa misaba waa Liibaan gabadhuu furay ninkeeda Liibaan markii loo sheegay in wiil dhallinyara uu joogo oo uu raadinayo Xaaji Muqtaar markaasuu ku amaray in qolkiisa kore ee xafiiska ah loo soo gudbiyo markiiba C/raxmaan waxaa la faray in uu gudaha uu hore u soo galo loona tilmaamay qolka milkiilaha uu ku jiro markii uu gudbaya ayaa hadaladaan la si weydaarsday Liibaan hadalka billaabay ayaa yiri.

Liibaan:Soo gudub walaal Xaaji Muktaar muxuu kuu ahaa goormaase kugu dambeysay

C/raxmaan oo hadalka xataa uu dhib ku yahay ayaa yiri

C/raxmaan:Xaajiga mudo waan moogahay aabahey ayaa uu saxiib lahaa inuu I kaalmeeyo ayaana u soo raadiyey

Liibaan oo naxariista u dhashay ayaa yiri

Liibaan:Kaalmo noocee

C/raxmaan:Walaal aniga iminka ayaan ka imid dalka Sacuudiga oo aan in muda ah xabsi ku jiray markaan reerkeyga soo raadiyeyna waxaa la ii sheegay in ay guureen qofka kaliya ee aan isku haleynayo waa xaajigaan ee fadlan meel aan ka heli karo ii tilmaam

Liibaan:Horta xaajiga aad sheekeyso mar hore ayaa uu dalka ka guuray oo ganacsigiisa Nairobi u wareegsaday anigana ayaa furaha ka gaday oo uu igu wareejiyey hadda aniga maxaan kuu qaban karaa ii sheeg reerkaaga intee u guureen

C/raxmaan:Reerkeyga Dalka Ethiopia ayaa ay u guureen haddiiba aad I saacideyso meel aan ku nasto I sii ilaa aan ka gaarayo meesha ay reerkeyga ku sugan yihiin

Liibaan qof naxariis badana ayaa uu ahaayee markiiba wiil u shaqeeya ayaa ku yiri Hotel gey maqaayadna kala hadal oo xisaabta aniga ha la igu qoro

C/raxmaan farxad ayaa soo gashay iyo rajo yar inta uu Liibaan fiiryey ayaa uu ku yiri

C/raxmaan:Waan mahadsan tahay walaal

Liibaan:Dhib malaha adigaba waad ii qaban lahayd iska naso galabta ayaan kuu imaan doonaa oo aan isla meel dhigeynaa sida ugu sahalan ee aad reerkaaga ku gaari kartid balse magacaaga muxuu ahaa aniga liibaan ayaa la ii yiraahdaa

C/raxmaan:Aboowe magaceyga waa C/raxmaan

Liibaan naxariista waa mid uu u dhashay galabtii wax fursad uma helin oo gurigiisa ayaa uu toos u aaday kadib markii uu ku daahay xisaabtii maalintaa, markii uu guriga tagay ayaa uu xaaskiisa ugu sheegay qofka uu manta la kulmay markaasuu ku yiri

Liibaan:Manta wiil dhallinyaro ah ayaa ii ymid oo dalka Sacuudiga laga keenay oo raadinayo ninka aan qolka kala wareegay ee Xaaji Muqtaar wallaahi miskiinka aad ayaa uu dhibaateysnaa

Deeqo:Liibaanoow waan ku aqanaa qof kasta oo baahi ayaa I heysa ku tiraahdo waad ii keeni jirtay qof ha ii keenin aniga dhib ilmaheyga ayaa igu filan waxaanba ka baqayaa sida aad maalin walba aad ii leedahay qof dhibtoonayo ayaan la kulmay in Tuug albaabka noogu soo gelisid

Liibaan inta uu qoslay ayaa uu yiri

Liibaan:Maya Macaanta Hotel ayaan dejiyey reerkiisa oo dalkaba ka guuray ayaa uu raadinaayey magaciisa waa uu ii sheegay laakiin hadda maba xassuusto baahida ka muuqato haddaad arki lahayd waad u garaabi lahayd Xabiibi

Deeqo marnaba shaki ma gelin in qofka laga hadlaayo uu yahay kii iyada mudada dhibka baday ee maskaxdeeda jahwareerka ku riday maxaa yeelay qalbigaba kagama qorneyd oo xataa ma aysan is xassusin jirin in Liibaan hortiisa iyada nolosha ay qof kale ay la qeybsatay

Subaxii xigay ayaa uu Liibaan abaaray Hotelkii la dejiyey C/raxmaan waxayna isla meel dhigeen in la saaro Baabuurta aado magaalada Godey halkaas uu kaga sii gudbo xagaa iyo magaalada Dhagax Buur oo ah meesha uu ku tabayo reerkiisa C/raxmaan aad ayaa uu ugu mahad celiyey Liibaan waxaana loo sheegay in maalinta sabtida ay baxaan baabuurtaas oo iminkaba loo soo diyaarin doono, xermo lacag ah inta uu soo bixiyey ayaa u dhiibay oo uu ku yiri Dhar ku soo gado berito oo Jimco ahna gurigeyga ayaad qado ku leeyahay, C/raxmaan si uu ugu mahad celiyo ayaa uu garan waayey markaasuu ku yiri ma aqaan waxaan ku iraahdo Liibaan oo gartay waxa uu damacsan yahay ayaa yiri

Liibaan:Maya C/raxmaan dhalinyaro ayaan nahay waan isku leenahay adiga sow iima qaban laheyn haddii aad booskeyga joogto

C/raxmaan:Haa walaal qof fiican ayaa tahay xaas ayaad leedahay ayaan filayaa

Liibaan:Haa walaal labo carruur ayaa ii joogto xaaskeyga waa qof fiican oo bani’aadanimada taqaan soo dhaweyn waad ka helaysaa

C/raxmaan:Maxay u fiicnaaweysay adiga oo sidaan oo dhan u fiican ayaa qabee

Sidaas ayaana lagu kala tagay Liibaan galabtii markii uu guriga tagay ayaa uu xaaskiisa u sheegay in berito uu wiilkii u ugu sheekeeyey la qadeyn doono Deeqo ninkeeda waa ay u taqaanay in uu JImcaha marti uu keeno markaasey ku tiri

Deeqo:Kan waa uu mudan yahay waa nin magaalada aad ehel u joogin sida aad ii sheegtay horaba dad magaalada degan ayaa keeni jirtay aniga waan caadeystay in aan Jimcaha qadada Badiyo maxaa yeelay martida adiga maba kaa dhamaato

Liibaan:Xabiibi waxaa la yiri Weji furan ayaa la galaa ee guri furan lama galo marka aniga asxaabteyda ayaa iska badan ee adiga dulqaad muuji

Deeqo:Maya macaanka adiga qofkaad rabto aniga waan rabaa maxaa yeelay waxaaba ii tahay daawadii qalbigeyga ma anaa diidi kara waxaad wado

Liibaan oo kaftamayo ayaa yiri

Liibaan:Kaalay galabta hadalo macaan oo aan mudooyinkaan aan kaa helin ayaa kaa dhacayo

Deeqo:Weligeyba hadal macaan ayaan ku hadlaa malaha adigaa maalmahaan I dhageysan

Kaftankii ayaa lasii guda galay ilaa salaadii maqrib adaankiisa uu dhaco oo xagaa iyo misaajidka uu qabto

Deeqo subaxii ayaa ay sida caadada u ahayed suuqii u kalahday si ay waqti hore u qadada diyaariso maalintaa oo dhan qado diyaarin ayaa ay ku mashquulsaneyd wallow dhinaca kale ay guryaha diyaarintiisana ay ku mashquulsaneyd gabadha Jaariyada ah ee guirga kaga shaqeysa

Markii salaadii Qudbada laga soo baxay ayaa ay Liibaan & C/raxmaan ay soo abaareen guriga,

Deeqo qofka manta loo soo wado ma aysan ogeyn qofka uu yahay xataa uma sawirneyn inuu yahay qofkey ogeyd uu noqon karo

Sidoo kale C/raxmaan ma fileynin in qofka sidaan oo dhan isaga ula walwaalayo uu yahay Xaaskiisa hore ninka ay iminka u dhaxdo

Sidoo kale Liibaan ma fileynin in qofka uu gurigiisa ku sii wado inuu yahay kii hore xaaskiisa jahwareerka ugu abuuray ee nolosha ku cidleeyey

Xaalka ayaa u muuqday mid jahwareersan Liibaan oo ganjeelka guriga Furo uu sidey ku soo furay ayaa C/raxmaan ku yiri hore u soo gudub markii uu qolkii Marti soorka ah uu geeyey ayaa uu xaaskiisa Kushiinka ugu soo galay u sheegay in ay yimaadeen markaasey garaafo cabbitaan ku jira inta ay u soo dhiibtay ku tiri biyahaan sii geey qadada waan soo diyaarinayaayee

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *