•Waxaad u qalantaa nolol ta ugu fiican. Waxaana rabaa inaan kuu sheego inaan ku daneynayo oo aanan marna joojin doonin daryeelkaaga. Waan ku jeclahay.
•Adiga iyo buuguba waxaad naftayda sisaan xasilooni iyo farxad aad u sareyso taas oo aan helin inta aad iga maqan tihiin, muhiim ayaad ii tihiin labadinuba inkastoo farxadda ugu badan aan adiga kaahelo. Run ahaantii markaad ii muujiso xogaa yar oo dhoola cadeyn ah waxaad naftayda dareensiisaa dareen farxadeed
•In aan markasta kula sheekeysto, kula kaftamo, kuuna heeso kama daalo waayo waxaad lahaatay naftayda oo dhan, ag joogaagu waa farxadeyda maqnaashiyahaaguna waa muragadeyda.
•Farxadeydu lama soo koobi karo marka ay indhahaygu fiirinayaan wajigaaga, isla mar ahaantaasna aad adigu si qurux badan aad u dhoola cadeyneyso. farxadeyda oo idil agtaada ayay taalaa, Hadii aad tagtana wax farxad ah ma haysto.
•Hablahu kala qiimo badan kalana sharaf iyo asluub wanaagsan aniga adiga ayaa waxkasta ii ah, adiga oo kaliye ayaana ku jeclahay ma jirto cidkale oo aan kula barbardhigayo ama aan kuula simayo waxaad tahay gabadha ugu qiimaha badan asaageed, marna ma qarinkaro quruxdaada iyo wanaagaaga is raacay, waxaad tahay boqorad dhamaystiran.
•Kulankeeni 1aad ubaxii aad ii dhiibtay maan tuurin mana hilmaamin kalmadihii macaanaa ee aad ii raacisay, markasta waxaan jeclahay inaan maqlo kalmadahaaga wanaagsana ee aad sida qurxoon igu oran jirtay iyo dhoola cadeytaadii quruxsaneed waan u xisaa la joogaaga iyo hadaladaada wanaagsan waxaad i bartay wax aan aysan i barin aadmiga kale.
•Kaliye ma tihid jaceylkeyga sidoo kale waxaad ii tahay saaxib, walaal, iyo waxkasta oo wanaagsan oo uu qof qofkale u noqon lahaa, ma dhameystirnaadeen la’aantaa, mana dhoola cadeeyeen hadaadan adiga garabkeyga taagneen, nolosha kuma xumeyso xayatii.
•Xubi xiisahaagu igama dhamaado markasta iyo goorkasta ayaan kuu xisaa la jirkaaga ayaan iska xiiseeyaa, waxaad ii noqotay sida balwad aan qabatiimay oo kale, oo haddii aan waqti waayo waqtiga kale raadiyo sikasta oo ay igu qaadato kama maarmo agtaada, waan kuu xiisaaa inta aad ii xiisto inkabadan, waana ku jeclahay inta aad ogtahay inka badan.
•Sow umajeedid sida ay xidiguhu u ifinayaa cirka, Sow ma aragtid xidigkasta in uu iskiis u taagan yahay iyo sida uu nuurkiisa u baxayo, Anigu waxaan ahay Cirka oo kale adiguna waxaad tahay xidigtaas oo kale waxaad ii iftiimisaa si wanaagsan, haddii aadan adigu ila joogin ma helayo wax iftiin ah, iftiinkeyga oo idil waa adiga adiga ayaan wax kuugu ahay, haddii aad tagto waxaad la tagtay nolosheyda nuurkeeda, haddii aad joogtana waxaad qurxineysaa oo aad nuurineysaa noloshayda.
Pingback: RAJEYSAY HANKI KU RABAY - faaruuq