HADIMO JACAYL QEYBTII 3AAD

HADIMO JACAYL

Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu kaliyaysto”.

Jacaylku waa wax jiray, jira, jiridonana ilaa inta ay adduunyadu ka dhamaanayso, laakiin dadka ku kala duwan yihiin siyaabaha uu u galo iyo sida loo wadaago. Runtiina, hadaan jacayl jirin, adduunyaduba ma joogteen. Goor ay fiid tahay, ayuu Mustafe helay fariintii Maryan, akhriyay faahanka waxa ay uga jeedo kalmada, “waan ka soo fikirayaa.” Markiiiba, waxa uu is waydiyay in ay Maryan cid kale xidhiidh la leedahay. Jacaylki uuna ildarnaana uu ku sii kaliyaystay, waanuna kaga sii daray intii hore, waayo rajo ayuu qabay markii hore ilaa imikana mid aan dheerayn uu qabaa. Laakiin, waxa uu aad uga fikiray kalmada

“waan ka soo fikiri doonaa.” Habeenkiyo dhan, muu seexan, warwarka, walaaca, iyo walbahaarka jacaylku baday ayuu la ildaran yahay. Wuxuu habeenkiyo dhan, kolba dhinaca isku rogo, ayuu waagii u barayay isagoon wax niyad u hayn, isagoo iskuulkii tagay. Cida aragtaa, waxay ka garaanaysay meel dheer inuu is badalay, waayo, fikirka faraha badani dadka wax ayuu yeelaa, jidh ahaan iyo maskax ahaanba. Wuxuu sidii uga fikiriba, waxa uu naftiisa ku qanciyay in uu sugo waxa ay bari Arbacada ula timaado.

HADIMO JACEYL

HADIMO JACEYL

Waxa la gaadhay maalintii Arbacada, Mustafena wax jawaab ah wali ma hayo. Galabtii, markii la gaadhay, ayuu mobile-kiisii eegay, laakiin wali wax fariin ah ma hayo. Waayaha adduunyadu farabadaa, imisaa wiil dhalinyaro ah jecel gabadh, gabadhuna wiil kale, wiilkuna gabadh kale. Adduunyada dhamaanteed ayaa ah iskadaba wareeg, jacaylka-na waa shay ka qiimo iyo qaayoba badan in lays khiyaameyo ama been laysku maweeliyo. Jacaylka runta ah, sida lagu helaa, way adagtahay, waayo, arwalba qof ayuu ku soo horeyaa, laakiin kii la jeclaaday sida lagu helo ayaa adkaata. Mustafe wuu isbaddalay, misaankii dhamayska tirnaana wuu yaraaday. Waxa ka soo dhadhacay fikirkii faraha badanaa iyo jacaylkii uu la daala-dhacay. Goor ay fiid tahay, ayay Maryan, oo ilaa shalay ka warwarsanayd waxa ugu jawaabi lahayd, soo qaaday telefoonkeedii, waxayna u qortay fariin, dreenka ay ka qabo ugu gudbinayso, waxayna ku bilawday… ,

Waxa qoray: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

QEYBT 2AAD KA AKHRISO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *