HADIMO JACEYL
Walal Mustafe, waan ku salaamay, igana raali ahow haddii aan kaala ragay jawaabta, laakiin waxaan filayaa inaad ku qanci doontid. Walal ama gacaliye, salaamida sida dareenka jacayl aad iigu qaaday ayaan ana kuugu qaaday. Runtiina, aragtidaada waan ku qancay una bogay, waxaana ku han waynahay inay inoo bilaabanto nolol cusub oo ilaa heer mustaqbal ah kana dheer maaweelo iyo wakhti lumis.
Aniguna, waxaan ku balan qaadaya in aan inta noloshayda ka hadhay aan adiga nolosha kula qaybsado.
Jacaylku waa dareen xoogan oo qofka bini’aadamiga ah ka xoog weyn, innaa uu kaan taroolo ama la’ado hurdo. Sidoo kale, qofka uu jantay la’aantiis ama uu farxo farxad, niyadda qofka uu jantay la’aantiis.
Waa dareen dhib badan oo qofka warwar iyo walaac faro badan ku abuura, kana mutaysto dhibaato haddii uu waayo ruuxa uu jeclaaday, una kalifaysa xataa dhimasho iyo inuu iska naco adduunka. Qofka uu jacaylka dhabtaa hayo, uu ka sooma farxadda ama cuntada kaliya, waxa u muuqda waa ruuxa uu jantay. Musatfe, oo uu dhaqaajiyana, waxa uga dhex muuqda ruuxaasi.
HADIMO JACEYL
Mustafe wuxuu maalintiiyo dhan sugaba, goor ay fiid dandeed tahay, ayuu halay fariintii Maryan. Garay, dadag, inta uu ula orday ayuu qolkiii la tagay, si aad u taxadar badana u akhriyay. Markii uu soo gaadhay, walal ama gacaliye, ayay neef badan ka soo booday. Isla markiiba, waxa galay fifircooni aan waayadaa lagu arag. Waa waxa uu imika u diyaar garoobay inuu la hadalo oo ay telefoonka sheekaystaan, madaama imika ay labadooduba raali isku yihiin. Habeenkaasna umay suuro galin inay wada hadlaan, laakiin habeenkaas waxa uu seexday Mustafe hurdo aanu waayowayo, seexan farxad badanina ku dheehan tahay. Aroortina, waxa uu kacay isaga oo aan dhinacna isku rogin habeenkaas.
Goor ay casar tahay, ayuu telephonekii soo qaatay, oo hawlihiisii oo dhana uu soo dhamaystay, isaga oo aad uga warwar san waxa ay ku hadli doonaan iyo sida ay u soo dhaweyn doonto Maryan. Markaas kadib, ayuu qaday telefoonkii, kadibna garaacay nambarkii Maryan. Una dhac qadar yar, dabadii waxa ka qabatay Maryan, garatay inuu Mustafe yahay.
Waxa qoray: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)