KHILAAFADA UMAWIYIINTA:

QEYBTA 2AAD

Markii uu dhamaaday Xilligii Khulafaa’u Raashidiinka waxaa maamulka islaamka u wareegay qaab boqortooyo ahaan ah oo wuxuu gacanta u galay qoyska reer Banii Umaya, iyaguna islaamka lama fariisan oo waxa ay gaarsiiyeen meelo uusan horay ugaarin islaamka waxey furteen dhulka Andalus waxey dhiseen maamul islaam oo awood badan waxa ay horumariyeen Jihaadka iyo furashooyinka islaamka, Reer banii Umaya kadib maamulka islaamka waxaa qabtay Qoys kale oo isla Qureysh ah waana Cabaasiyiinta.

KHILAAFADA CABAASIYIINTA:

Markii uu dhamaaday maamulkii umawiyiin hoggaanka ummada islaamka waxaa qabtay Reer Banii Cabaas iyaguna islaamka lama aysan fariisan oo waxa ay ka qeyb qaateen Faafinta Dacwada islaamka iyo sidii loo gudan lahaa amaanada uu Nabiga scw kaga tagay Ummadiisa waxa ay horumariyeen Cilmiga heer Caasimadooda oo Baqdaad aheyd ay noqotay magaalo cilmiga nuucyadiisa kala duwan lagasoo doonto, dowladda Cabaasiyiinta xilliyadeedii dambe markii ay daciiftay waxaa ka faracmay dowladdo badan oo islaami ah sida: dowladda Saljuuqiyiinta, dowladda Ayuubiyiinta, dowladda Sinkiyiinta, dowladda mamaaliikta iyo kuwo badan laakiin dhamaantood waxa ay hoos imaan jireen Khilaafada Cabaasiyiinta.

Khilaafada Cusmaaniyiinta:

Waa mid kamid ah dowladdihii ugu awoodda badnaa ee islaamka soo maraa sidoo kalena waxa ay aheyd dowladdii ugu cimriga dheereyd dhamaan dowladdihii islaamka adduunkana waxa ay tustay qoraxda islaamka haddii ay meel ka dhacdo in ay dhinac kale kasoo baxdo iyaguna waxa ay horumariyeen Cilmiga iyo jihaadka sidoo kalena waxa ay ilaaliyeen sharafta ummada muslimka ah.

W/Q: Muxammad Cabdi Farax (Bin Faarax)

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *