MAXAA DHIBANE U AHAY
mararka qaar waxan ku fikira aduunkan maka haajirta oo safar aamusan ma gashaa. “sidii aad moodo inay waxkasta cadaw igu yihiin” mararka qaar waxan aad uga shaleeya maxaad buugaas u akhirada maxaad waxaas u baadhay iyo malayaal kale oo badan” in badan waxan ku fikiraa doonisteenu maxay xaqiiqda ugu tahay lidkeena marka aan la kulano
“Inaad waynaatay micnaheedu ma ‘da’da’ un, laakiin xaqiiqada ayaa ah in waxyaabaha aan samayno, badankood, inaan ka ‘waynaanay’. Sidaas darteed, waxay inoo xanuujinayaan. Mararka qaar, waxa aan fikirka ka haysanay uu ahaa inaan awoodno, laakiin gudaha ayaa noqonaya dab gacmaha la inoo saaray.”
“Mararka qaar, waxa aan xiisaha u hayay ayaa dhab ahaantii dhadhankiisii uu iiga lumin markii aan gacanta ku dhigay. Sidaa darteed, waxaan garan waayay haddii sheygu uu iga waynaaday ama haddii xiisaha iyo doonista ay labo kala ahaayeen. Si kastaba ha ahaatee, inbadan waxa aan xiisaha iyo jacaylka ahaa ayaa isku badalay kuwo iska caadi ah, marka aan gacantayda ku qabtay.”
MAXAA DHIBANE U AHAY
inbadan waxan aad ugu fiirsadey tagtooyinku inay xataa ka xanuun badan. yihiin joogaha oo wax aan hada gacanta ku haYno ayay ka xanuun bataan taas badalkeedu dhibanuhu waa aniga un.
“Runtu ayaase ah, mararka qaar, runteena inaynaan la kulminba. Bal u fiirso, waxaad xiiso iyo jacayl u hayay, hase yeeshee, markaad gacanta ku dhigto, sidii maba aha. Marka aan ku daalo helida qaar, waxaan doorbida inaan iska aamuso, sababtoo ah waxa jira waxyaabo badan oo aad awoodo inaad wax ka qabato, laakiin waxa kaliya ee ku didan yahay.”
“U fiirso, halka in badan malahayga iyo runta nolosha ay farqi u dhexeeyo, gaar ahaan halka aan ku kulmay raadinta sadaalinta iyo balan-qaadka khiyaalka. Marka ilmadeenu waxay u qubataa wax aynaan gacanta ku hayn.”
ma waxan idhaa jiil dhiban. 20-jirkoodii mise inaga ayaa dhalanay xilli khiyaalkeena? Unka runa, ileen wax kasta ayaan ku daalnay, gaar ahaan shaqooyinka maalinlaha ah. Waxay dhammaadaan anagoo daalan, sidoo kale, waxaan kusoo laabanay sida inaan sugayno meel aan shaqo dambe la qaban doonin.”