NAFTEYDAY GACALO

Tallaabada ugu horraysa ee xaqiijinta riyooyinkagu waa in aad hurdada ka toostid.

Naftaydaay gacalo:

Maanta waa maalin cusub! Waa maalin aanad hore u arkin, dibna u arki doonin; sidaas darteed jooji in aad naftaada ku maaweeliso beenaha aad markasta u sheegto naftaada! Imisa maalmood oo hore ayaa dhayal kugu dhaafay?

Ka faai’dayso maalintan cusub ee ashqaraarka leh maalmaha kalena ka duwan. Ogsoonow – maalinta quruxda badan gudaheeda – in aad haysato fursado tiro badan oo aad noloshaada ugu jihayn kartid dhan kasta oo aad rabto.

Waan ku jeclahay marwalba naftaydaay.

tagtayahay qaaliga ahi, waad ku mahadsan tahay casharrada aad i soo siisay oo dhan, mustaqbalyahow cajiibka ahi, si weyn ayaan adna diyaar kuugu ahay.

Naftaydaay gacalo:

Waxa aynu isugu xidhiidhsannahay si cajiib ah oo aan cidina fahmaynin, islamarkaana fahmi doonin. hal dhinac ayaynu nolosha uga soo wada jeednaa, ama in aynu sidaas ahaanno ayay ahayd, laakiin mar dhexe ayaan kaa tegay:

Keligaa ayaan kaa tegay adiga oo isku dhex daadsan; waxa aan kugu kellifay in aad dad shisheeye ah ka sugto oo ka raadsato jacayl dhiirrigelin iyo awood. Iyada oo ay ahayd in aan anigu ku garab istaago, oo aan ku soo dhowaysto ku amaano islamarkaana aan kugu qaddariyo shakhsiyaddaada xariirta ah iyo quruxda iyo milgaha aad nolosha ku soo biirinayso.

Waan ka xumahay in aad igu hungowday, waan ka xumahay in aan ku xanuujiyay oo ku dayacay, waan ka xumahay in aanan ku xasuusin hadh iyo habeen sida aad u tahay qof qaali ah, ee aad u tahay qof waxkasta oo wanaagsan u qalma, una tahay qof geesi ah naxariis badan misana awood leh oo adkaysi badan. Iska kay cafi naftaydaay!

Sida aynu nahay ayaynu qiimo ku leennahay; mustaqbalka soo socda waynu wada waajihi doonnaa; hadda waan ku helay, waan is helay, marnaba gacantaada ma sii deyn doono. Markan waxa aan ku siin doonaa mudnaanta koowaad iyo kaalinta ugu sarraysa kaalmaha noloshayda. Waan ku ixtiraami doonaa, waan ku karaamayn doonaa, oo ku qiimayn doonaa welibana ku jeclaan doonaa.

Daacad baan kuu ahay markasta naftaydaay.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *