Qofkaygii ayaa nool

“Qofkaygii ayaa nool, Gacaliso, kaalay agtayda. Waxaan doonayaa inaan carafsado udug agtaada ahaadaye, laakiin muddo ayaanan dhinacaaga fadhiisane. Si kastaba ha ahaatee, waxaan doonayaa qalbi dhagaysigaagii iyo sidii cadaalada ahaydee, adigoo hadalkayga u xambaari jiray una gaadhsiin jiray xidigahee. Sidaas awgeed, waxaan doonayaa maanta inaad i dhagaysato, laabtaydana aad toos ula hadashee. Haddaba, halkeed igaga fogaatay? Maxaa ku qariyay, maxaase ku badalay? Fadlan, isheeg, si kasta ayaan kuu aqbali doonaaye.”qofna

“Gacaliso, waxaad moodaa xasuusahaagu inay leeyihiin qof nafsiyan qalbi gaara. Sidaas awgeed, qalbigaasi wuxuu kuu daryeelaa dhul kasta oo aad jirto. Hase yeeshee, gacaliso, habeenku waa uu dheer yahay imika, maalinkana sidii qoraxdu u kulushahay. Aniguna, galabtii, sidii ayaan koobkii qaxwaha ahaa u cabaa. Isla markaas, jidkii aragaagana waan ku lugeeyaa, iyadoo wadadii boodhka badnayd adiga gadaashaa waala dhisay. Haddii arki lahayd quruxdeeda, waad la cajabi lahayd. Fadlan, sawir makaaga soo qaadaa, gacaliso?”

Qofkaygii ayaa noo

Aniga uunbaa isbadalay oo xoogaa da’du ii biirtay laakiin walxuhu isma badalin, jacaylkina sidii ayuu khaanadii ugu jiraa gacaliso, waxba ha I waydiin anigu waan fiicanahaye laga yaabee inaanan fiicnayn daqiiqado ka hor laakiin hadda sidii waan dhaamaa,

gacaliso qolkaygii hadda waxbaan ka badalay meelaha qaar xasuustaada ayaan dhigay halka meelaha kalana buugaagtaydii duuga ahayd aan dhigay,

Dabcan sida aad dhugatay qofna maan baran adiga gadaashaa ma waxan idhaa qofkaygii ayaa nool mise wayba ila joogtaa ? gacaliso sideen ugu jawaabaa dadkan aadbay su’aalaha ïigu badiyeen marka aan qolkayga joogo ïyo marka xasuustaada aan la joogo iyo marka buugaagtayda aan la sheekaysanayaba aadbay ii waydiiyaan aaway qofkaagii maxaan ku idhaa ? yaa u sheegaa inaad ila joogto waliba xitaa daqiiqadahayga neefsiga, sababtoo ah mar kasta ayaad xasuustayda ahaatay.

Mararka qaar gacantayda ayaan u mahadnaqaa maadaama ay kusoo qortay fariinta uu qalbigaygu yeedhinayo, halkaas ayaad igaga taal sidaasna waan kaaga fikiraa gacaliso, siday u dhihi karaan kulama joogto.

haday doonaan ha yidhaahdaan qolfoofkeeda ma aragno anigu waan ku arkaa gacaliso,

Gacaliso xasuusuhu aniga si khaasa ayay ila nool yihiin in ka badan malaha si kasta ayaan kuugu sharxi karaa inaanan qolkan kaligay ku noolayn, buugaagta xasuusaha jacayl, khiraaladayda, jacaykayga, suuraha runtaa, waxyaabo badan ayaa qolkan igula nool, waan kuu sheegi karaa halka aad xitaa kaga nooshahay qolkayga,

Akhri khiraaladayda marka aan faaruqo buugaagtaydana gub, qalbigayga qofna kale yaysan arkin sidii uu u dhaawacmee, waan kaa codsanayaa midaas.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *