Sheekooyin xigmad badan

1 sheekooyin-xigmad badan

Maamo ree jigjiga ah ayaa xanuunsatay, kadib waxay u tagtay dhakhtarki. Waxaa lagu sheegay xanuunka beer subaga.

Dhakhtarki wuxuu u qoray dawo, wuxuuna kula-dardaarmay iney habeenki iska-dhaafto cashada. Markay guriga tagtay, ismayna dhibine. Waxay gabadheedi ku-dhahday, markii la-gaadhay xiligi cashada, ii soo kululee qadadi maanta hooyo. Cashada dhakhtarka ayaa ii-diidaye.

2 sheekooyin-xigmad badan

Hada ka-hor ayaa juxa lagu dhahay, adigaa cod macaane, na-tuji salaada. Markaas ayuu ka-aqbalay juxa. Salaadi kadib, dadki ayaa juxa aad u amaanay, ayagoo dhahaya juxow cod macaanidaa. Markaas ayuu juxa dhahay. “hada waliba maba-wayso qabin, hadaan weyso qabi lahaa waa la-yaabi lahaa”.

3 sheekooyin-xigmad badan

Labo nin oo reer-mudug ah, ayaa isku raacay maqaaxi, si-ay wax uga soo cunaan. Labadi nin marki cuntadi loo keenay, ayuu mid kamida aaday meeshi farxalka. Si uu gacmaha u soo-dhaqdo.Kii kalana, intuu saxiibkii maqnaa, ayuu saxanki sii wareejiyay. oo xagi hilibka badnayd, xagiisa ka dhigtay. Saxiibkaa markuu soo noqday, ayuu ogaaday in la-gaaday. Kadib intuu fikiray, oo saxanki xagi hilibka badnayd soo wareejiyay, ayuu dhahay. Bal kawaran saxiib, haduu aduunka ilaahay wareejiyo, oo sidan ka-dhigo.Saxiibkiis oo fahmay saxda cusub, ayaa dhahay. Adigu aduunka sidiisi ku-celi saxiib, ilaahay ma-tihide.

4 Sheekooyin-xigmad badan

Gabar filimaanta hindiga aad u daawan jirtay, oo iska-dhigaysa romantic. Ayaa ninkeedi oo jiifa saqdi-dhexe toosisay.Waxay ku dhahday, habeenki jaceylki muu seexdaa? Mise habeenka ayaa seexda jaceyl dartiis.? Mise aniga iyo habeenka jaceyl aan seexanin ayaa nagu-dhacay.?Ninki oo hurdo meel fiican u maraysat ka soo-gacay, ayaa ku dhahay. Furiin miyaad rabtaa, mise furiinka ayaa adiga ku raba. mise adiga iyo furiinkaba labo is-raba ayaad tihiin.Si deg-dega ayey u seexatay, ayadoo akhrinaysa yaasiin iyo qulwale.

Hada ka-hor, sedex nin ayaa meel kuwada marqaamayay. Kadibna waxaa ka dhamaaday sigaarki. Mid-kamida ayeyna u dirsadeen sigaar ay cabaan, inuu u soo-gado. Wuu baxay, siduu u wareegayay ayuu u imaaday, labadi nin ee u diray sigaarka. Markaas ayuu ku dhahay, maad haysaan sigaar?Labadii ee ninka sigaarka u diray marki hore, ayaa dhahay. MAYA mahayno, laakin iska-fadhiiso, mid ayaa inoogu maqan, oo soo gadayee.

5 sheekooyin-xigmad badan

Nin xeer-ilaaliya ah, oo lacag badan kuwato boorso. Iyo gabadh aad u qurux badan, ayaa wada-raacay hal diyaarad.Gabadhi ayaa si hoose ula-hadashay ninki sharci-yaqaanka ahaa. Waxayna ku dhahday, adigoon is-waalin lacagta aad wadato oo dhan isii. hadii kale waan dhawaaqayaa, waxaana dhahayaa, ninkan wuu I kufsaday. Waana ku ceebaynayaa, policka ayaa imaan kadibna waa lagu xidhi doonaa. Ninki sharci-yaqaanka ahaa, qalin ayuu la soo-baxay, kadibna warqad yuu ugu qoray. Dhagaha waxba kama-maqlo, ee waxaad dhahday ii qor aan ku fahmee. Gabadhina waxay qortay, hadalki ay dhahday oo dhan. Asagana warqadi ayuu qaatay, jeebka ayuuna gashaday.Wuxuu ku dhahay qayli hadaad rabto, cadeyntaadi jeecka ayaan ku haystaaye.

6 sheekooyin-xigmad badan

waxaa la-tukanayay salaadi subax (fajar). Ayadoo la-sujuudsan yahay, ayaa waxaa la-maqlay. Nin dhahaya waxaan ahay nin waalan, seef ayaana gacanta ku-haystaa. Qofkii madaxa kor u soo-qaadana waan ka-jari doonaa. Kadiban sujuudi ayey ku dhaaheen, cabsi awgeed. Imaamki oo sujuudsan ayaa dhahay, war hal qof ha eego. Inuu ninki baxay iyo inuu joogo. Kadibna mid kamida dadki tukanayaym, ayaa dhahay. Goormee la-ogolaaday, in imaamka laga hormaro. Adigu fiiri camal

7 sheekooyin-xigmad badan

Mid kamida ciyaal-xamarka ayey hooyadii u dirtay liin inuu soo iibiyo. Xariifka markuu liinti suuqa ka soo gaday, ayuu kufay asagoo socda. Liinti intay dhulka ku taraaraxday, ayey guri gashay. Kulahaa “haye oo guriga maad kaseysaanba” wuu iskaga tagay. Markuu guriga tagay, ayey hooyadii waydiisay away liinti. Kulahaa xariifki, way soo socotaa hooyo, wadada ayay ku soo-jirtaa.

8 sheekooyin-xigmad badan

Gabadh ayaa nin dhakhtar ah waydiisay su’aal. Waxayna ku dhahday “ nin wax-bartay ayaad ahayde, maxaa kugu dhacay. waxaad guursatay 3 naag?” markaas ayuu ku dhahay, xaaskayga koowaad waa ina-adeertay. Waana jirkaygi iyo dhiigaygi, waxaana u guursaday qadarin. iyo ixtiraam aan u hayo aabahay.Xaaskayga labaadna waxaa dhashay habar-yartay. waxaana u guursaday inaan u naxariisto oo aan dhaqaaleeyo. Ixtiraamka iyo naxariista aan u hayo hooyadey darteed. Xaaskayga sedexaad, waxaan u guursaday jaceyl aan u qabay. Iyo iney aheyd dookhayga. Waayo naftayda ayaan ku ixtiraamayay oon ku qancinayay. Waxay ku dhahday, maad jeceshahay allihi ku abuuray?Wuxuu ku dhahay HAA.Waxay ku dhahday iguurso, adigoo karaameynaya oo waynaynaya allihi ku abuuray. Si-aan kuugu noqdo xaaskaada afraad.Markaas ayuu u guursaday alle dartiis.

9 sheekooyin-xigmad badan

Gabar filimaanta hindiga aad u daawan jirtay, oo iska-dhigaysa romantic. Ayaa ninkeedi oo jiifa saqdi-dhexe toosisay. Waxay ku dhahday, habeenki jaceylki muu seexdaa? Mise habeenka ayaa seexda jaceyl dartiis.? Mise aniga iyo habeenka jaceyl aan seexanin ayaa nagu-dhacay.? Ninki oo hurdo meel fiican u maraysat ka soo-gacay, ayaa ku dhahay. Furiin miyaad rabtaa, mise furiinka ayaa adiga ku raba. mise adiga iyo furiinkaba labo is-raba ayaad tihiin. Si deg-dega ayey u seexatay, ayadoo akhrinaysa yaasiin iyo qulwale.

10 sheekhttps://faruuqabdi.com/xikmado-jaceyl-oo-macaan/ooyin-xigmad badan

Gurigiisa ayuu imaaday, markii xaaskiisi cashada u keentay ayuu dhahay. Macaan waan soo casheeyay. Waxay ku dhahday xageed ka soo cashaysay. Wuxuu ku dhahay second wife. (xaaska labaad) asagoo ka-wadoo meherada uu ka soo casheeyay. oo magaceeda la-dhaho second wife. Wuxuu soo miyirsaday asagoo isbitaaka jiifa oo dhaawaca, oo laga-dawaynayo saliidi lagu shubay.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *