In badan oo naga mid ah waxay u qaateen jacaylku in uu yahay cudur dadka ku dhaco oo aan daawo lahayn, sidoo kale waxaa jira tira kale oo iyaguna aan aaminsaneenba wax la yiraahdo jacayl, balse waxaa jirta tiro aad u yar oo fahamsan macnaha guud ee jacaylka waxayna u uhaystaan in uu yahay daawo uu qofkasta oo bini aadam ahi uu u baahan yahay, balse ay ka soo horeeyaan caqabado badan.waxaan dhihi karaa fikir ahaanteyda saddexduba way saxanyihin Tusaaale:
1-nta aaminsan in jacaylku cudur yahay waa runtood waayo jacaylku marka aad kali ku tahay waxa uu kugu noqdaa cudur ku disha oo cuntada kaa soomiya.
2-sidoo kale kuwa aan jacaylkaba aaminsaney waa dadka aan arkin qaraarkiisa iyo macaankiisa balse isaga nool nolosha khiyaaliga ah ee aan waligoodba qof si sax ah u jaclaanin ama aan iyagu loo jeclaanin.
3-inta soo hartay waa inta iyagu lala wado jacaylka oo garabkoodu la tagan yahay heystana qof u maceeya nolosha barana faa’idada uu leeyahay jacaylka.
Si guud jacaylku waa wax loo wada baahan yahay meel uusan jacayl jirina nolol ma taalo.

•Dadka qaar u baxa wax micno ah lama laha balse waxaa jira dad uu aad ula qiimo badan yahay, daadkaas kaama rabaan hadiyado kala gedisan oo aad markasta u geyso balse kaliye waxay kaa doonayaan in hal ubux aad u geyso una raaciso erayo macaan oo laabta kasoo go’ay. run ahaantii waa kuwaa kuwa garanaya qiimaha dhabta ah ee ay noloshu leedehay, halka kuwoo kalana inta aad ubaxyo kala jaad ah u geyso ayayna hadalkaaga iyo u jeedaadkaaguba fahmeynin.
•Ubaxu waxaa qurxiya oo iftiimaya biyaha haddii uu waayana wuu dhintaa, si lamide jacaylku wuxuu u baahan yahay daryeelid iyo xanaaneyn haddii uu waayana wuu suulaa.
•jacaylku waxba maaha, haddii aadan haysan ruux adiga ku jecel adne aad jecshahay.