Xamar

Muqdisho waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, Muqdisho waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay seddex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

MUQADISHO waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kannaalka Suwees) iyo Jaziiradda Carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamarweyne) xamarjabjab (XamarCade), xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (Mudqisho) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar.

Degmooyinka Muqdisho waa degmooyinka ay ka kooban tahay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ama Xamar.

1 Boondheere 2 cabdicasiis 3 dayniile 4 Dharkeenley 5 Daarusalaam 6 Hodan 7 Wadajir 8 Wardhiigley 9 Xamar jajab 10 Xamar Weyne 11 Yaqshiid 12 Howlwadaag 13 Huriwaa 14 Kaxda 15 Karaan. 16 Shibis 17 Shingaani 18 Waabari 19 Gubadley 20 Garasbaley. 21 Gubta

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *